Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

Su’aalo iyo Jawaabo

Guddiga goorma ayaa la aasaasay?

Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) waxaa la aasaasay 2015kii. GMDQ waa guddi dastuuri ah uu ku cad dastuurka ku meel gaarka ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Jiritaanka iyo waajibaadka GMDQ waxaa caddeynaya qodobka 111G ee dastuurka Soomaaliya.

Qaab noocee ah ayuu u dhisanyahay guddigu?

Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka [GMDQ] waxaa xubnihiisa

ay ka kooban yihiin, Guddoomiye, Guddoomiye ku xigeen iyo 7 xubnood kuwaas

oo mas’uul ka ah jihaynta istaraatiijiyadda siyaasadeed. Waxayna u qeybsamaan

3 guddi-hoosaad: Guddiga Maamulka iyo Maaliyadda, Guddiga howlaha doorashada iyo wacyi galinta dadwaynaha. Howl-maalmeedka Guddiga ayaa waxaa

mas’uul ka ah xoghaynta Guddiga oo uu madax ka yahay xoghayaha Guud [XG].

Yaa dhisay/doortay/magacaabay guddiga?

Guddiga Doorashooyinka Madaxabanaan ee Qaranka waxaa lagu aas-aasay qodobka 111G ee darstuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo qeexaya waajibaadka Guddiga.

Xubnaha GMDQ waxa ay shaqada ay hayaan ku yimaaddeen hannaan dheer oo hufan. Qaadashada xubnaha guddiga waxaa loo soo bandhigay dadweynaha Soomaaliyeed iyada oo la isticmaalayo saxaafadda ay ka mid yihiin jaraa’idku. Waxaa soo codsaday in ay guddiga ka mid noqdaan dadweyne Soomaaliyeed oo aad u farabadan. Soo codsadayaashii waxaa kala shaandheyn ku sameeyay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya. Waxay soo xushay (short-listed) xubnihii ugu mudnaa oo ay u soo bandhigtay golaha wasiirada. Golaha wasiirada ayaa tiradii ay soo gudbisay wasaaradda arrimaha guduhu ka sii xushay sagaal (9) xubnood. Sagaalka xubnood ayaa waxaa loo gudbiyay golaha shacabka BFS oo mid mid ugu codeeyay. 9ka xubnood markii mid kasta uu helay tirada codadkii loo baahnaa (50%+1), Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu xubnaha ku meel marinayay xeer Madaxweyne.

Howsha Guddiga (mission)

In la qabto doorashooyin iyo afti dadweyne kuwaasoo ilaalinaya korna u qaadaya yididiilada dimuqraadiyeed ee dadka Soomaaliyeed

Himilada Guddiga (vision)

Guddi Doorasho oo islaxisaabtan leh layskuna halleyn karo, kaasoo dhisaya kalsoonida iyo aaminaadda ay dadka Soomaaliyeed ku qabaan hannaan doorasho oo daahfuran loona dhan yahay

Qiyamka asaasiga ah (core values)

I.Hufnaan  

Howsha na loo idmaday waxaan u qabaneynaa faragelin la’aan.

II.Daahfurnaan

Waxaan hawlaheenna u qabaneynaa si furan oo isla xisaabtan leh

III.Wadajir

Waxaan bixineynaa fursado ay u siman yihiin dhammaan daneeyayaasha si ay uga qeyb qaataan habraac doorasho oo dimuqaraaddi ah

IV.Dhexdhexaadnimo

Waxaan u shaqeyneynaa xubnaheenna hab aysan ku jirin eex, niyad xumi iyo garab istaag toona.

V.Ixtiraamka Sarreynta Sharciga –

Waxaan u dhaqmi doonnaa si ku dhisan qaanuun iyo sharci.

 

Hadafka guud (Overall goal)

Doorashooyin Xor ah Sannadka 2020

 

Imisa waaxood ayuu leeyahay Guddigu?

Guddigu waxa uu leeyahay afar(4) waaxood oo kala ah:

  • Waaxda hawl-gallada doorashooyinka (Operations department0
  • Waaxda wacyi gelinta iyo waxbaridda cod bixiyaha
  • Waaxda maamulka iyo maaliyadda
  • Waaxda sharciyada (Legal department)

Ogow: Waax kasta waxa ay leedahay agaasime iyo sidoo kale dhowr madax-qeybeed (maareeyayaal)

Ogow: ka sokow afarta waaxood ee kor ku xusan Guddigu waxa uu sidoo kale leeyahay xafiiska diiwaan gelinta xisbiyada siyaasadda oo u xil saaran diiwaan gelinta, kormeeridda iyo la shaqeynta xisbiyada siyaasadda. Xafiiskaas oo uu madax ka yahay diiwaan geliyaha xisbiyada siyaasadda.

Qaabdhismeedka GMDQ (organogram)

NA

Waajibaadka Guddiga

I.Qabadashada Doorashooyinka Madaxwaynaha

II.Qabashada doorashooyinka Baarlamaanka Federaalk

III.Inuu sameeyo diiwaangalinta codbixiyaasha

IV.Diiwaangalinta Musharixiinta doorashooyinka

V.Inuu xaddeeyo deegaanada doorashooyinka iyo xarumaha codbixinta.

VI.Xeerka nadaamka xisbiyada siyaasadeed

VII.Xalinta khilaafaadka la xiriira doorashooyinka

VIII.Fududaynta dhowrista, dabagalka iyo qiimaynta doorashooyinka

IX.Xeer u dajinta lacagta ay qarash gareeyaan musharixiinta iyo xisbiyada

X.Sameynta Xeerka Anshaxa ee musharixiinta doorashada iyo Xisbiyada

XI.La socodka cabashooyinka la xiriira xeerka magacaabidda musharixiinta xisbiyada,

XII.Wacyigalinta codbixiyaha.

Imisa hay’ad doorasho ayaa kajirta Somaliya?

Soomaaliya waxaa kajira oo kaliya Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka, kaasoo ay masuuliyaddiisu tahay maamulka & maaraynta Doorashooyinka heer Qaran, heer Gobol, heer Degmo & Aftida dadweynaha.

Guddiga iyo xiriirada gobollada

a. Waa xaggee xarunta dhexe ee GMDQ?

Xarunta dhexe ee Guddiga waxa ay ku taallaa caasimadda dalka, Muqdisho

b. Guddigu xarumo ma ku leeyahay gobollada dalka?

Guddigu waxa uu xafiis goboleedyo joogta ah ku leeyahay dhammaan magaalada xarumaha u ah dowlad goboleedyada dalka ka jira. Sidoo kale waxaa Guddiga u qorsheysan inuu shaqadiisa sii daadejiyo oo la gaarsiiyo illaa heer degmo.

Xafiisyadaan waxa uu guddigu u furayaa si ay u fududeeyaan hirgelinta waajibaadka loo igmaday GMDQ.

Wareegga Doorashada

Dooraashadu ma ahan dhacdo hal maalin dhacda. Waa shaqo waqti dheer soconeysa martana marxalado kala duwan. Wareegga doorashada waxaa loo kala qaadaa sedax weji oo waaweyn oo kala ah:

a.Doorashada ka hor

Doorashada ka hor waxa ay tahay in la qabto howlo baaxad weyn oo ka mid yihiin:

  • dejinta iyo meel marinta shuruucda iyo xeerarka lagama maarmaanka u ah doorasho;
  • wacyi gelinta codeeyaha;
  • diiwaan gelinta codeeyahayaha;
  • diiwaan gelinta xisbiyada siyaasadda iyo murashaxiinta;
  • diyaarinta amniga iyo saadka (security and logistics)
  • Iibinta qalabka doorashada;
  • Diyaarinta miisaaniyadda doorashada;
  • Tababaridda shaqaalaha aan joogtada ahayn ee doorashada;
  • Diiwaan gelinta iyo ruqsad siinta korjoogayaasha doorashada
  • Ololaha doorashada                                                                                                                                  b-Xilliga doorashada/codeynta

Hawlaha dhaca xilliga doorashada waxaa ka mid ah:

  • Codeynta
  • Tirinta codadka
  • Gudbinta iyo qabashada cabashooyinka la xiriira natiijada doorashada
  • Ku dhawaaqidda iyo baahinta natiijada rasmiga ah ee doorashada

c.Doorashada ka dib                                                                                                                        howlaha dhaca doorashada ka dib waxaa ka mid ah:

  • Qiimeynta nidaamkii doorashada
  • Cusbooneysiinta diiwaanka codeeyaha
  • Horumarinta iyo sare u qaadidda tayada iyo aqoonta GMDQ
  • Dib u eegista xeerarka doorashada
  • Arkiifiyo
Shuruucda muhiimka u ah doorashooyinka

Si doorasho guud ay waddankeenna uga dhacdo waxaa lagama maarmaan ah in horey loo sii diyaariyo shuruucdii iyo xeerarkii saldhigga u noqon lahaa doorashadaas. Shuruucdu lagama maarmaan ka ah waxaa ka mid ah:

  1. Sharciga guddiga doorashooyinka – Waa diyaar
  2. Sharciga xizbiyada siyaasadda– Waa diyaar
  3. Xeer hoosaadka iyo habraaca diiwaangelinta xizbiyada– Waa diyaar
  4. Sharciga doorashooyinka– Baarlamaanka ayuu horyaallaa (July 2019)
  5. Sharciga muwaadinka – Diyaar ma ahan
Waa maxay doorasho?

Doorashadu waa nidaam cod bixiyayaashu ku doortaan hoggaankooda iyo wakiilladooda deegaan, gobol ama qaran.

Doorashada waxaa sidoo kale lagu cayimaa wakiillada iyo hoggaanka hay’adaha sida xisbiyada iyo ururadu ay yeeshaan.

Faa’iidooyinka/Muhiimadda Doorashada:

Doorashadu waxay leedahay 5 muhiimadood oo waaweyn.

Sharciyad iyo awood siinta dowladda

Doorashadu waxay dowladda siisaa awood iyo sharciyad ay go’aan ugu gaaraan arrimaha muhiimka ah ee bulsho.

Iyaga oo isticmaalaya doorashada, ayay dadweynuhu go’aamiyaan dadka uga wakiil noqonaya go’aan gaaridda, awoodaha dadka la doorto iyo marka ay tahay iney awoodda wareejiyaan.

Doorashadu waxay awood la xisaabtan siisaa dadka:

Awooddani waxay leedahay 2 dhinac. (i) Codeeyayaashu waxay awoodaan iney awoodda ka xayuubiyaan xilliga doorashada xukuumad awoodda haysa, (ii) waxay sidoo kale awoodaan iney xilliga u kordhiyaan xukuumad talada haysay.

Matalaadda shacabka

Doorashadu waxay u fududeysaa codeeyayaasha iney wakiillo ahaan u doortaan dadka ey is leeyihiin wey idin matali karaan iyaga oo fiirinaaya mabaadii’dooda iyo wax qabadkooda. Dadka waxay iska dhex doortaan kuwa leh tilmaamaha muhiimka u ah sida aqoonta, hufnaanta, daacadnimada, awoodda wada shaqeynta iyo tanaasulka.

Doorashadu waxay fursad ay ku tartamaan siisaa muwaadiniinta mudan ee kartida hoggaamineed leh.
Waxaynu uga gudbeynaa nidaamka doorashada dadban ee qabiilku saldhiga u yahay.

Tira koob la’aan doorasho ma la sameyn karaa?
  • Tira koobka
  • Haa, Tira koob la’aan doorasho waa la qaban karaa. laakiin waxaa muhiim ah oo ay tahay in Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranku uu sameeyo diiwaan gelinta codeeyaha.
Diiwaangelinta codbixiyaha
  • Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka waxa uu diiwaan-gelinayaa cod bixiyayaasha Soomaaliyeed markii ugu horreysay taariikhda
Waa maxay diiwaan-gelinta cod bixiyaha?

Dhamaan wadamada aduunka ee ay ka dhacaan doorashooyinku, codbixiyaha waa in la diiwaan-geliyaa si uu u codeeyo ugana qayb qaato doorashada. Diiwaan-gelinta codbixiayaha waa nidaam lagu aruuriyo xogta codbixiyaha sida magaca, taariikhda dhalashada, jinsiga iyo deegaanka.

Muhiimadda diiwaan-gelinta cod bixiyaha

Diiwaan-gelinta codbixiyaha waxay ka mid tahay hawlaha ugu muhiimsan geeddi socodka doorashooyinka waana shardi ka mid ah shuruudaha codeynta. Waxaa muhiim ah inaad ogaato inaadan codeyn karin hadii aadan is diiwaan-gelin.

Yaa u xil-saaran diiwaan-gelinta cod bixiyaha?

Sida ku cad Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) ayaa diiwaan-gelinaya qof kasta oo buuxiya shuruudaha diiwaan-gelinta codbixiyaha. GMDQ waxa uu sidoo kale mas’uul ka yahay keydinta iyo xafidaadda xogta diiwaanka

Yaa xaq u leh in la diiwaan-geliyo
  • Muwaadin Soomaali ah
  • Gaaray 18 sano waqtiga diiwaan-gelinta
  • Xiskiisu dhanyahay
  • Aan maxbuus xukuman ahayn
Hadaadan is diiwaan-gelin ma codeyn kartid

Ogow:

  • Codeeye aan is diiwaan gelin ma codeyn doono
  • Diiwaan gelintu waa lacag la’aan
  • Marka aad is diiwaan geliso ka dib, waxaad heli doontaa kaarka aqoonsiga cod bixiyaha
  • Goobta aad iska diiwaan geliso ayaad ka codeyn doontaa
  • Doorashada ka dib, codeeyuhu waxa uu xaq u leeyahay in uu beddesho goobta diiwaan gelinta/codeynta.

 

 

 

 

 

 

Waa maxay urur siyaasadeed?

Urur siyaasadeed waa koox dad ah oo unidaamsan in loo diiwaangaliyo xisbi siyaasadeed oo sharci ah, doonayana in ay kaqeybqaataan tartan siyaasadeed.

Waa maxay xisbi siyaasadeed?

Xisbi siyaasadeed dimuqraadi ahi waa hay’ad ay ka wada muuqdaan qaybaha kala duwan ee bulshada lehna isla xisaabtan dhab ah, soo bandhigaysa qorshaal kala duwan oo siyaasadeed, musharraxiin ka qayb-geleysa doorashooyin guud, kana qayb qaadaneysa dhismaha xukuumaddda ama mid mucaarad ku ah.

Ka akhriso lifaaqa hoose sharciga xisbiyada siyaasadda si aad wax badan uga ogaato. (https://niec.so/sharciyada/sharciga-axsaabta)

Xuquuqda iyo Waajibaadka Muwaadinka?
  1. Xuquuqda iyo Waajibaadka Muwaadinka?

Xuquuqaha:

  • Muwaadin kasta wuxuu xaq u leeyahay in uu ka qeybqaato arrimaha guud ee dadweynaha (sida uu qabo qodobka 22aad faqradiisa 1aad.)
  • In uu wax doorto, lana doorto (sida uu qabo qodobka 22aad faqradiisa 2aad.)
  • In uu sameysan karo ama ka mid noqon karo xisbi siyaasadeed (sida uu qabo qodobka 22aad faqradiisa 1aad qeybta A.)
  • In xisbi siyaasadeed gudihiisa looga dooran karo jago kasta.
  • In uu helo dawlad matasha danihiisa.
XUQUUQDEENNA WAAJIBAADKEENNA
XAQ1: In aad fursad u hesho ka qayb-qaadasho doorasho

Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee gaaray da’da cod-bixinta isna diiwaan-gelinyay waxay xaq u leeyihiin in ay codeeyaan. Qofna lagama hor istaago karo codeyn iyada oo la fiirinayo muuqaalkiisa, dhaqaalihiisa, lixaadkiisa, qabiilkiisa ama halka uu ka soo jeedo.

 

WAAJIB1: Is diiwaan gelin

Codeeyaha is diiwaan gelilyay keliya ayaa fursadda codeynta heli kara maalilnka doorashada. Dadku wey isu diiwaan gelin karaan codeeya ahaan marka ay gaaraan da’da sharcigu qabo.

 

XAQ2: Cod siman

Codeeyayasha dhan waxa ay leeyihiin hal cod maalinka doorashada. Dadka dhan wey ka simanyihiin. Codadka lama iibsan karo lamana iibin karo, fursad codeyn oo dheeraad ahna qof lama siin karo. Tusaale, codka qofka 18 jirka wuxuu la qiima egyahay codka qof jira labanlaab da’diisa.

 

WAAJIB2: Codeynta maalinka doorashada

Codeyntu waa ikhtiyaari; balse qofka Soomaaliga ah waxaa mas’uuliyad ka saarantahay in uu ka qayb-qaato si uu waddanku u helo hoggan daryeela.

 

XAQ3: Cod qarsoodi ah

Muwaadinku wuxuu u codeeya si qarsoodi ah. Qofku waxa uu ku codeeyaa meel ka qarsan dadka. Codeynta qarsoodiga ah waxay u sahashaa dadka in ay codeeyaan cabsi la’aan waxayna hoos u dhigtaa qatarta laaluushka.

 

WAAJIB3: Barashada sida warqadda codeynta loo calaamadiyo

Codeeyayaasha waa in ay fahmaan sida ay u shaqeyso nidaamka codeynta, laga billaabo sida warqadda loo calaamadiyo illaa sida loo tiriyo codadka.

XAQ4: Ka qaby-qaadashada doorashooyin joogta ah

Doorashooyinka waa in loo qabtaa si joogta ah. Arrintan waxay ku caddahay dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya. Qof kasta oo raba in uu galo Baarlamaanka waa in uu dadka horyimaaddaa si loo doorto.

WAAJIB4: In aad noqoto muwaadin fir-fircoon

Tan micneheedu waa in aad talo ku yeelataa doorashada wakiillada gaara go’aamada saameynta ku yeesha noloshaada. Muwaadiniintu waa in ay ogaadaan arrimaha noloshooda saameynta ku leh ayna doortaan wakiillo tallaabooyinka haboon ka qaada arrimahaas.

XAQ5: In aad hesho doorashooyin xor iyo xalaal ah

Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) waxaa dastuurku ku waajibiniyaa in uu doorashooyin guud oo xor iyo xalaal ah waddanka ka dhaqan-geliyaan 4tii sannaba mar.

WAAJIB5: Gaaridda go’aamo xog-ogaal ah

Codeeyayaashu waa in ay ogyihiin murashaxiinta/xisbiyada doorashada ku tartamaya ayna fahansanyihiin aragtiyadooda iyo siyaasadahooda ku aaddan arrimaha muhiimka u ah. Sababtu waxa ay tahay haddii la doorto go’aammo ayay gaari doonaan iyaga oo ka wakiil ah dadka Soomaaliyeed.

 

Maxay yihiin korjoogayaasha doorashadu?

Kor-joogayaasha doorashadu waa ururo/hay’ado isugu jira kuwa maxalli ah iyo kuwo caalami ah oo qiimeyn ku sameeya nidaamka doorashada.

Kor-joogayaashu waa hay’ado dhex-dhexaad ah kuwaas oo qiimeyn ku sameeya in natiijada doorashadu ay si dhab ah uga tarjumeyso rabitaanka dadka.

Qeybaha korjoogayaasha

Kor-joogayaasha doorashada waxaa loo qeybiyaa 2:

  • Kor-joogayaasha maxalliga oo ah hay’ado aan dowli ahayn oo waddani ah sida ururada bulshada rayidka.
  • Kor-joogayaasha caalilmiga oo ay soo diraan hay’ado/ururo caalami ah sida Midowga Yurub & Midowga Afrika.

Kor-joogayaashu qaarkood waxay waddanka doorashadu ka dhacyso joogaan muddo kooban (1 todobaad) halka kuwa kalana ay joogaan muddo intaa ka dheer (6 – 8 todobaad)

Kuwa muddada kooban joogaa waddanka waxay kor-joogteeyaan cod-bixinta iyo tirinta codadka.

Halka kuwa muddada dheer ay hawshoodu ka ballaarantahay oo ay qiimeeyaan waxyaabo ay ka mid yihiin xeerarka, ololaha doorashada iyo madaxbannaanida iyo saameynta warbaahinta.

Doorka korjoogayaasha iyo muhiimaddooda

U jeeddada ugu weyn ee kor-joogayaasha doorashada ayaa ah bixinta warbixin sax ah oo caddaalad ah oo aan dhinacna u xaglineyn oo la xiriirta tayada iyo hufnaanfta doorashada iyo in doorashadau gaarsiisan tahay heerarka caalamiga.

Kor-joogayaasha doorashadu waxay sare u qaadaan kalsoonida dadku ku qabaan hannaanka doorashada waxayna meesha ka saartaa shakiga iyo aaminaad la’aanta. Sidoo kale waxay soo bandhigaan khaladaadka ku jiri kara nidaamka doorashada.

Shuruudaha korjoogteynta

Korjoogteyntu waxay wax-ku-ool noqotaa marka ay buuxiso shuruudahan:

  • Casuumad iyo ruqsad iney ka helaan waddanka doorashadu ka dhacayso
  • Galaan-gal dhameystiran iney u helaan dhammaan hawlaha doorashada iyo daneeyayaasha
  • Xorriyada iney u helaan dhaq-dhaqaaqooda
  • Xorriyad iney u helaan diyaarinta iyo baahinta warbixnnada
  • Madax bannaanida xulashada dadka ka mid noqonaaya kor-joogayaasha
Doorashada maxaa ka dhiga xor iyo xalaal?

Doorasho waxaa xor iyo xalaal lagu tilmaami karaa marka laga helo sifooyinka soo socda:

  • Waxaa jira xeerar cad cad oo haga doorashada

Xaqa muwaadinka Soomaaliga ah uu u leeyahay doorashooyin xor iyo xalaal ah waxay ku cadahay Dastuurka KMG ee JFS. Sidoo kale xeerka doorashooyinka iyo xeerka xisbiyada siyaasadda ayaa ilaalinaya xuquuqda doorasho ee muwaadinka Soomaaliyeed.

 

  • Codkaagu waa qarsoodi

Codbixiyuhu doorashooyinka ayuu ka qeyb-qaataa isaga oo ka cabsi qabin in la ogaado musharraxa ama xisbiga uu u codeeyay. Codka qarsoodiga ahi waxa uu sidoo kale la dagaallamaa laaluushka iyo cabsi gelinta

  • Doorashada waxaa loo qabtaa si joogta ah

Dastuurka KMG ee JFS waxa uu GMDQ ku waajibinayaa inay doorashooyin waddanka ka qabtaan 4tii sanaba mar.

  • Waxaad heleysaa xisbiyo/musharraxiin aad kala xulato

Waxaa jira xisbiyo badan oo aad kala xulan karto. Muwaadin kasta wuu isi sharrixi karaa ama wuxuu sameysan karaa xisbi. Waxaad sidoo kale ku biiri kartaa ama taageeri kartaa xisbi.

  • Qof kasta oo is diiwaan gelilyay wuu codeyn karaa

Muwaadin kasta oo gaaray da’da codeynta wuu is-diiwaan gelin karaa. Codeeyaha is-diiwaan geliyay keli ah ayaa fursadda codeynta heli doona. Codeeye kasta oo is-diiwaan geliyay magiciisu wuxuu ka muuqan doonaa diiwaanka codeeyaha.

  • Xisbiyada iyo musharraxiintu waxay u ololeeyaan si xor ah oo aan cabsi lahayn

Waqtiga ololaha, xisbiyada iyo musharraxiintu si siman oo cabsi la’aan ah ayay uga ololeeyaan waddanka. Waxaa sidoo kale jira doodo furan oo caafimaad qaba.

  • Dhammaan hawlaha doorashada waxaa saldhig u ah dhex-dhexaadnimo iyo daah-furnaan

Doorashooyinka waxaa maamula GMDQ oo ah hay’ad dowladda ka madaxbannaan. Xisbiyada iyo musharraxiinta tartamaya wey u simanyihiin Guddiga. Geeddi socodka doorashadu waa mid loo simanyahay oo daahfuran; koox ama xisbi saameyn ku lihina ma jirto. Dadweynaha, Xisbiyada siyaasadda iyo kor-joogayaasha doorashadu waxay awood iyo xaqba u leeyihiin in ay la socdaan tallaabo kasta oo Guddigu qaadayo.

  • Dhammaan xisbiyada iyo musharraxiintu waxay aqbalaan natiijada doorashada

Natiijada rasmiga ah ee uu ku dhawaaqo Guddiga Doorashadu ayay aqbalaan xisbiyada iyo musharraxiinta ka qeyb gala doorasho xor iyo xalaal ah. Balse xisbi ama musharrax hadii uusan ku qancin natiijo ka soo baxday xisbiga waxaa u furan inuu maro nidaamka cabashada ee sharciga ah sida inuu cabashadiisa u gudbiyo guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka ama maxkamadda ku shaqada leh.

Warbaahinta iyo doorashada

Waa maxay warbaahin?

Warbaahintu waa wadiiqo warka iyo xogta lagu gaarsiiyo bulsho weynta; waxaana ka mid ah idaacadaha, telefeshinnada, wargeysyada, internet-ka iyo warbaahinta bulshada.

Mabaadi’da aasaaska u ah doorka warbaahinta ee doorashada

  • Run sheeg iyo xaqiiq tebin
  • Madax bannaani
  • Dhex-dhexaadnimo iyo caddaalad
  • Ka shaqeynta iyo u adeegidda danta guud
  • Isla xisaabtan
  • Daah-furnaan
  • Hufnaan

Muhiimadda warbaahintu u leedahay dimuqraadiyadda iyo doorashada

Warbaahinta xortaahu waxay udub dhaxaad u tahay dimuqraadiyadda; doorasho dimuqraaddi ahna ma dhici karto warbaahin madax bannaan la’aanteed.

Doorasho xor iyo xalaal ahi wey ka mug weyntahay/qota dheertahay si xor ah inuu qofku codkiisa u dhiibto iyo inuu yaqaanno sida codka loo dhiibto oo keli ah. Waxaa sidoo kale muhiim ah jiritaanka nidaam doorasho oo laga wada qeyb-qaato kaas oo dadweynuhu ay fursad u helaan doodo furan, ayna helaan xog dhameystiran oo ku saabsan xisbiyada, siyaasadaha, musharraxiinta si ay u gaaraan go’aan xog-ogaal ah.

Warbaahintu waxay isku xirtaa dadweynaha codeeya iyo madaxda dejisa ama hagta siyaasad dalka.

Waa maxay doorka warbaahinta ee doorashada

  • Wargelin
  • Taxliilin/falanqeyn
  • Dabagal
  • Madal doodo iyo wadahadal
  • Matilaad bulsho
  • Wacyi gelin iyo waxbaridda cod bixiyaha
  • Ka war bixinta halka uu joogo hannaanka doorashadu
  • Fududeynta ololaha doorashada ee xisbiyada iyo musharraxiinta
  • Tebinta natiijada doorashada

Xeerka hab-dhaqanka warbaahinta xilliga doorashada

Xilliga doorashada GMDQ waxa uu diyaariyaa xeerka hab-dhaqanka anshaxa warbaahinta. Xeerka hab-dhaqanku waxuu warbaahinta u kala caddeeyaa dhaqamada laga rabo iney la yimaadiin xilliga doorashada iyo sidoo kale waxyaabaha aan la ogoleyn.

Aqbalaadda, saxiixidda iyo ku dhaqmidda xeerka hab-dhaqanka anshaxu waxay shardi u tahay warbaahintu iney ruqsad u helaan tebinta halwaha doorashooyinka. Weriye aan ruqsad tebin ka heysan Guddiga looma oggolaado inuu tago goobaha ay ka socdaan hawlaha doorashooyinka.