Sabti – Khamiis: 8:00s – 3:00g | Jimcaha: fasax
+252 612 868 294

Su’aalo iyo Jawaabo

Guddiga goorma ayaa la aasaasay?

Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) waxaa la aasaasay 2015kii. GMDQ waa guddi dastuuri ah uu ku cad dastuurka ku meel gaarka ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Jiritaanka iyo waajibaadka GMDQ waxaa caddeynaya qodobka 111G ee dastuurka Soomaaliya.

Qaab noocee ah ayuu u dhisanyahay guddigu?

Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka [GMDQ] waxaa xubnihiisa
ay ka kooban yihiin, Guddoomiye, Guddoomiye ku xigeen iyo 7 xubnood kuwaas
oo mas’uul ka ah jihaynta istaraatiijiyadda siyaasadeed. Waxayna u qeybsamaan
3 guddi-hoosaad: Guddiga Maamulka iyo Maaliyadda, Guddiga howlaha doorashada iyo wacyi galinta dadwaynaha. Howl-maalmeedka Guddiga ayaa waxaa
mas’uul ka ah xoghaynta Guddiga oo uu madax ka yahay xoghayaha Guud [XG].

Yaa dhisay/doortay/magacaabay guddiga?

– Guddiga Doorashooyinka Madaxabanaan ee Qaranka waxaa lagu aas-aasay qodobka 111G ee darstuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo qeexaya waajibaadka Guddiga.
Xubnaha GMDQ waxa ay shaqada ay hayaan ku yimaaddeen hannaan dheer oo hufan. Qaadashada xubnaha guddiga waxaa loo soo bandhigay dadweynaha Soomaaliyeed iyada oo la isticmaalayo saxaafadda ay ka mid yihiin jaraa’idku. Waxaa soo codsaday in ay guddiga ka mid noqdaan dadweyne Soomaaliyeed oo aad u farabadan. Soo codsadayaashii waxaa kala shaandheyn ku sameeyay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya. Waxay soo xushay (short-listed) xubnihii ugu mudnaa oo ay u soo bandhigtay golaha wasiirada. Golaha wasiirada ayaa tiradii ay soo gudbisay wasaaradda arrimaha guduhu ka sii xushay sagaal (9) xubnood. Sagaalka xubnood ayaa waxaa loo gudbiyay golaha shacabka BFS oo mid mid ugu codeeyay. 9ka xubnood markii mid kasta uu helay tirada codadkii loo baahnaa (50%+1) ayaa waxaa lagu dhaariyay golaha shacabka hortiisa.

Howsha guddiga (mission)

In la qabto doorashooyin iyo afti dadweyne kuwaasoo ilaalinaya korna u qaadaya yididiilada dimuqraadiyeed ee dadka Soomaaliyeed.

Himilada guddiga (vision)

Guddi Doorasho oo islaxisaabtan leh layskuna halleyn karo, kaasoo dhisaya kalsoonida iyo aaminaadda ay dadka Soomaaliyeed ku qabaan hannaan doorasho oo daahfuran loona dhan yahay

Qiyamka asaasiga ah (core values)

I. Hufnaan
Howsha na loo idmaday waxaan u qabaneynaa faragelin la’aan.
II. Daahfurnaan
Waxaan hawlaheenna u qabaneynaa si furan oo isla xisaabtan leh
III. Wadajir
Waxaan bixineynaa fursado ay u siman yihiin dhammaan daneeyayaasha si ay uga qeyb qaataan habraac doorasho oo dimuqaraaddi ah
IV. Dhexdhexaadnimo

Hadafka guud (Overall goal)

Doorashooyin Xor ah Sannadka 2020.

Imisa waaxood ayuu leeyahay Guddigu?

Guddigu waxa uu leeyahay afar(4) waaxood oo kala ah:
• Waaxda hawl-gallada doorashooyinka (Operations department0
• Waaxda wacyi gelinta iyo waxbaridda cod bixiyaha
• Waaxda maamulka iyo maaliyadda
• Waaxda sharciyada (Legal department)
Ogow: Waax kasta waxa ay leedahay agaasime iyo sidoo kale dhowr madax-qeybeed (maareeyayaal)
Ogow: ka sokow afarta waaxood ee kor ku xusan Guddigu waxa uu sidoo kale leeyahay xafiiska diiwaan gelinta xisbiyada siyaasadda. Xafiiskaas oo madax ka yahay diiwaan geliyaha xisbiyada siyaasadda.

Qaabdhismeedka GMDQ (organogram)

NA

Waajibaadka guddiga

I. Qabadashada Doorashooyinka Madaxwaynaha
II. Qabashada doorashooyinka Baarlamaanka Federaalka
III. Inuu sameeyo diiwaangalinta codbixiyaasha
IV. Diiwaangalinta Musharixiinta doorashooyinka
V. Inuu xaddeeyo deegaanada doorashooyinka iyo xarumaha codbixinta.
VI. Xeerka nadaamka xisbiyada siyaasadeed
VII. Xalinta khilaafaadka la xiriira doorashooyinka
VIII. Fududaynta dhowrista, dabagalka iyo qiimaynta doorashooyinka
IX. Xeer u dajinta lacagta ay qarash gareeyaan musharixiinta iyo xisbiyada
X. Sameynta Xeerka Anshaxa ee musharixiinta doorashada iyo Xisbiyada
XI. La socodka cabashooyinka la xiriira xeerka magacaabidda musharixiinta xisbiyada,
XII. Wacyigalinta codbixiyaha.

Imisa hay’ad doorasho ayaa kajirta Somaliya?

Soomaaliya waxaa kajira oo kaliya Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka, kaasoo ay masuuliyaddiisu tahay maamulka & maaraynta Doorashooyinka heer Qaran, heer Gobol, heer Degmo & Aftida dadweynaha. Waxaa sidoo kale dowlad goboleedyadu yeelan karaan guddiyo doorasho oo mas’uul ka ah doorashooyinka Dowlad goboleedyada.

Guddiga iyo xiriirada gobollada

a. Waa xaggee xarunta dhexe ee GMDQ?
Xarunta dhexe ee Guddiga waxa ay ku taallaa caasimadda dalka, Muqdisho
b. Guddigu xarumo ma ku leeyahay gobollada dalka?
Guddigu waxa uu xafiis goboleedyo joogta ah ku leeyahay dhammaan magaalada xarumaha u ah dowlad goboleedyada dalka ka jira.
GMDQ waxa uu qorsheynayaa in sannadka 2018 gudihiisa uu ugu yaraan hal xarun oo joogta ah uu ku yeesho xarumaha shanta maamul goboleed ee xubnaha ka ah DFS. Xafiisyadaan waxa uu guddigu u furayaa si ay u fududeeyaan hirgelinta waajibaadka loo igmaday GMDQ.

Wareegga doorashada

Dooraashadu ma ahan dhacdo hal maalin dhacda. Waa shaqo waqti dheer soconeysa martana marxalado kala duwan. Wareegga doorashada waxaa loo kala qaadaa sedax weji oo waaweyn oo kala ah:
a. Doorashada ka hor
Doorashada ka hor waxa ay tahay in la qabto howlo baaxad weyn oo ka mid yihiin:
• dejinta iyo meel marinta shuruucda iyo xeerarka lagama maarmaanka u ah doorasho
• wacyi gelinta codeeyaha,
• diiwaan gelinta codeeyahayaha,
• diiwaan gelinta xisbiyada siyaasadda iyo murashaxiinta.
• Iibinta qalabka doorashada
• Diyaarinta miisaaniyadda doorashada
• Tababaridda shaqaalaha aan joogtada ahayn ee doorashada
b. Xilliga doorashada/codeynta
Hawlaha dhaca xilliga doorashada waxaa ka mid ah:
• Codeynta
• Tirinta codadka
• Ku dhawaaqidda iyo baahinta natiijada doorashada
• Gudbinta iyo xallinta khilaafaadka/cabashooyinka ka dhasha natiijada doorashada
c. Doorashada ka dib
Hawlaha dhaca doorashada ka dib waxaa ka mid ah:
• Qiimeynta nidaamkii doorashada
• Cusbooneysiinta diiwaanka codeeyaha
• Horumarinta iyo sare u qaadidda tayada iyo aqoonta GMDQ
• Dib u eegista xeerarka doorashada
• Arkiifiyo

Shuruucda muhiimka u ah doorashooyinka

Si doorasho guud ay waddankeenna uga dhacdo waxaa lagama maarmaan ah in horey loo sii diyaariyo shuruucdii iyo xeerarkii saldhigga u noqon lahaa doorashadaas. Shuruucdu lagama maarmaan ka ah waxaa ka mid ah:
a. Sharciga guddiga doorashooyinka – Waa diyaar
b. Sharciga xisbiyada siyaasadda– Waa diyaar
c. Xeer hoosaadka iyo habraaca diiwaangelinta xisbiyada– Waa diyaar
d. Sharciga doorashooyinka– Waa diyaar
e. Sharciga iyo guddiga la dagaallanka musuqa
f. Sharciga xuduudaha iyo federaalka
g. Dhameystirka dib u eegista dastuurka – Waa socotaa
h. Astaynta goobaha doorashada – Waqtigeeda weli lama gaarin
i. Sharciga muwaadinka – Diyaar ma ahan
j. Maxkamadda dastuuriga ah – Diyaar ma ahan
Shuruucda kor ku xusan waxa ay isugu jiraan kuwa diyaar ah iyo kuwo hadda gacanta lagu hayo. Xeerarka iyo hay’adaha ku xardhan midabka guduudan waa kuwo la’aantood aan la qaban karin doorashada.

Waa maxay doorasho?

Waa nidaam ay bulshadu ku doorato hoggaankeeda heerarkiisa kala duwan iyadoo la raacayo shuruucda dalka u degsan.

Faa’iidooyinka/Muhiimadda Doorashada:

Doorashadu waa muhiim sababta oo ah:
– Waxaa ka dhasha dawlad shacabku doorteen oo kalsoonida shacabka heysata
– Waxaa ka dhasha dowlad isla xisaabtan leh
– Waxaa ka dhasha dawlad sharciyad qaanuuni leh
– Doorasho waxaa looga bixi karaa nidaamka awood qeybsiga qabiilka
– Awoodda ayay siisaa dadka; Awooddaas ayay dadku waxa ay u isticmaali karaan in ay xilka uga qaadaan dowlad maamulka haysa. Sidoo kale waxa ay u isticmaali karaan in ay koox cusub awoodda maamul ee dalka ugu dhiibaan
– Waxa ay keentaa dowlad wanaag
– Waxa ay sare u qaadda dareenka wadinayadda muwaadinka
– Waxa ay sare u qaadda sumcadda dowladda iyo madaxda wadanka (madax la doortay iyo kuwo aan la dooran isku si’ loogama qadariyo masraxyada caalamiga ah)
– Waxa ay sare u qaadda kalsoonida shacabku ku qabaan nidaamka dowliga ah.

Tira koob la’aan doorasho ma la sameyn karaa?

Haa. Tira koob la’aan doorasho waa la qaban karaa. Waxa ay ku xirantahay nidaaamka doorasho ee la qaato. Nidaamka doorasho ee hadda Soomaaliya qaadatay tira koob dadweynaha guud ahaan wuu ka maarmaa laakiin waxaa muhiim ah oo ay tahay in GMDQ uu sameeyo diiwaan gelinta codeeyaha.

Diiwaangelinta codbixiyaha

• Sida uu qabo dastuurka KMG ee JFS iyo xeerka lagu aasaasay GMDQ, Guddigu waa hay’adda keli ah ee u xil saaran diiwaan gelinta cod bixiyayaasha Soomaaliyeed.
• Sida ku cad xeerka doorashada Soomaaliya, qof kasta oo Soomaali ah oo gaaray 18 sanno waxa uu xaq u leeyahay in codeeye ahaan uu isu diiwaan geliyo.
• Qof aan is diiwaan gelin fursadda codeynta ma heli doono maalinka codeynta.
• Soomaaliga gaaray da’ada codeynta waxa uu iska diiwaan gelin karaa goob kasta
• Codeeyuhu waxa uu ka codeyn doonaa oo keli ah goobta uu iska diiwaan geliyay.
• Doorashada ka dib, codeeyuhu waxa uu xaq u leeyahay in uu beddesho goobta diiwaan gelinta/codeynta.

Axsaabta siyaasadda

Haddii aan go’aansannay in aan ka guurno nidaamka awood qeybsiga ee ku dhisan qabiilka waxaa lagama maarmaan ah in la helo xisbiyo siyaasadeed.

Waa maxay urur siyaasadeed?

Urur siyaasadeed waa koox dad ah oo unidaamsan in loo diiwaangaliyo xisbi siyaasadeed oo sharci ah, doonayana in ay kaqeybqaataan tartan siyaasadeed.

Waa maxay xisbi siyaasadeed?

Xisbi siyaasadeed dimuqraadi ahi waa hay’ad ay ka wada muuqdaan qaybaha kala duwan ee bulshada lehna isla xisaabtan dhab ah, soo bandhigaysa qorshaal kala duwan oo siyaasadeed, musharraxiin ka qayb-geleysa doorashooyin guud, kana qayb qaadaneysa dhismaha xukuumaddda ama mid mucaarad ku ah.
Ka akhriso lifaaqa hoose sharciga xisbiyada siyaasadda si aad wax badan uga ogaato.

Xuquuqda iyo Waajibaadka Muwaadinka?

– Muwaadin kasta wuxuu xaq u leeyahay in uu ka qeybqaato arrimaha guud ee dadweynaha (sida uu qabo qodobka 22aad faqradiisa 1aad.)
– In uu wax doorto, lana doorto (sida uu qabo qodobka 22aad faqradiisa 2aad.)
– In uu sameysan karo ama ka mid noqon karo xisbi siyaasadeed (sida uu qabo qodobka 22aad faqradiisa 1aad qeybta A.)
– In xisbi siyaasadeed gudihiisa looga dooran karo jago kasta.
– In uu helo dawlad matasha danihiisa.

Ma jiraan dalal la mid ah soomaaliya oo ay doorasho ka dhacday?

Waxaa jira dalal badan oo Soomaaliya la mid ah soona maray amaba hadda ku jira duruufo la mid ah kuwa waddankeennu soo maray ama uu hadda ku jiro. Duruufahaasa oo isugu jira kuwo bulsho, dhaqaale, siyaasadeed iyo amni. Waddamadaas waxaa ka mid Ciraaq, Afgaanistaan, Liberia, Sierra Leone iyo Nigeria.

Haddaba, maxaan ka baran karnaa dalalkaas duruufaha Soomaaliya oo kale soo maray?

  • Afghanistan: Soomaaliya waxa ay ka simanyihiin kooxaha xag-jirka ah oo ka hor jeeda dowladda, nabad gelya xumida iyo taariikhda dheer ee waddankaas ee la xiriirta dagaallada iyo colaadda. Sidaa oo ay tahayna madaxda waddanka waxaa doorta dadka reer Afghanistan. Xildhibaannadooda ma soo xulaan dad kooban oo odayaal ah ee waxaa doorta shacabka. Taasina waxa ay keentay in waddanku uu helo dowlad kalsooni ka haysata shacabka.
  • Ciraaq: waddanka Ciraaq waxaa ka jira nabad-gelyo xumo, qaraxyo, kooxo diimeed ka hor jeeda dowladda haddana waxaa mar walba ka dhaca doorashooyin guud.
  • Sierra Leone: Dalkooda oo dagaal sokeeye ka socda ayey doorasho qabteen. Dagaalkooda sokeeye xataa waxa uu gaaray meel ka liidata meesha uu gaaray kan waddankeenna.
  • Liberia: Dib u heshiisiin – 2003, Doorasho: 2005tii. Laba sanno gudahood ayay doorasho ku abaabuleen oo ku hirgeliyeen.