Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

Diiwaangelinta Xisbiga

Shuruudaha Diiwaangalinta Xisbiyada

Diiwaangalinta Xisbiyada wuxuu sharciga u qaybinayaa labo heer oo kala ah:-

  1. Diiwaangalinta kumeel-gaarka ah
  2. Diiwaangalinta Rasmiga ah

Diiwaangalinta Kumeelgaarka ah

Sharciga xisbiyada siyaasadda ee 2016 Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sharci No. 19, qodobkiisa 5aad waxaa uu qorayaa shuruudaha diiwaangalinta kumeelgaarka ah.

  1. Codsiga diiwaangelinta kumeel-gaarka ah ee xisbi siyaasadeed waa in ay ka muuqdaan arrimaha soo socda:
  2. Maxdar qoraalka kulankii ugu horeeyay oo ay yeesheen xubnaha xisbiga asaasay oo saxiixan;
  3. Magaca xisbiga siyaasadeed oo buuxa iyo isagoo lasoo gaabiyay haddii uu codsado xisbigu.
  4. Lifaaq nuqul dastuurka xisbiga siyaasadeed sida ku xusan qeybta 9aad ee sharcigan;
  5. Ballanqaad sugaya dhowrista iyo ku-dhaqanka sharcigan iyo habdhaqanka lagu xusay jadwalka koowaad ee isla sharcigan.
  6. Qoraal caddeynaya habka xisbigu u xallinayo khilaafaadkiisa gudaha oo la waafajiyay jadwalka 8aad ee sharcigan.
  7. Khidmada diiwaangelinta kumeel-gaarka ah oo ah lacag ah 10 malyan ShSo. Oo u dhiganta shan boqol ($500).
  8. Codsi ku qoran warqad leh astaanta rasmiga ee xisbiga.
  9. Haddii diiwaangeliyihu arko in aan shuruuduhu buuxin wuxuu xisbiga qoraal ku siinayaa shan iyo toban maalmood (15) oo ka bilaabaneysa maalinta uu codsiga soo gudbiyo si ay u soo buuxiyaan shuruudaha ka dhiman.

Shahaadada Diiwaangelinta kumeel-gaarka ah waxaa codsadayaasha lagu siinayaa 30 maalmood gudahood haddii ay soo buuxiyaan shuruudaha sare ku xusan ee sharcigan.

Shuruudaha Diiwaangalinta Rasmiga ah

Xisbi si kumeelgaar ah loo diiwaangaliyay ayaa wuxuu soo codsankaraa diiwaangalin rasmi ah.

Sharciga xisbiyada siyaasadda ee 2016 Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sharci No. 19, qodobkiisa 6aad waxaa uu qorayaa shuruudaha diiwaangalinta rasmiga ah.

Codsiga diiwaangelinta rasmiga ah ee xisbiga waa inuu ahaadaa qoraal uu saxiixay guddoomiyaha xisbiga ama cidda uu u wakiisho.

 

Xisbi siyaasadeed si kumeel-gaar ah loo diiwaangeliyay, waxaa si rasmi ah loo diiwaangalin karaa markii: –

  1. Tirada xubnaha saxiixayaashiisa dhan yihiin ugu yaraan toban kun qof (10,000) oo codbixiyeyaal ah kana diiwaangashan ugu yaraan sagaal ka mid ah 18kii gobol ee horay u jiray 1991-kii, taas oo waafaqsan qodobka 49aad, faq (1) ee dastuurka kumeel-gaar ah.
  2. Xubnaha lagu sheegay faq (a) ee qodobkan waa in ay ka muuqdaan gobollada, beelaha, isu dheellitirnaanta jinsiga, matalaada dadka laga tirada badan yahay iyo kooxaha la hayb sooco.
  3. Golaha fulinta ee xisbiga waa in ay ka muuqataa isku dheellitirnaanta gobollada, beelaha, jinsiga, dadka laga tirada badan yahay iyo kooxaha la hayb sooco si waafaqsan qodobka 11-aad ee dastuurka federaalka ah iyo Qodobka 4 (2) ee sharcigaan.
  4. Waa in la muujiyaa in xubnaha golaha fulinta in ay buuxiyeen mid la mid ah shuruudaha ku xusan qodobka 58 ee dastuurka kumeel-gaarka.
  5. Xisbiga siyaasadeed ama ururrada waa in aanay noqon kuwa ka soo horjeeda shareecada islaamka, sidoo kale waa inaysan adeegsan ereyo gaf iyo xadgudub ku ah xisbiyada kale iyo maammulladooda.
  6. Waa in uu u soo gudbiyaa xafiiska madaxa bannaan ee diiwaangeliyaha: – Magacyada, cinwaannada, calaamaddaha gaarka ah ee qof lagu aqoonsan karo iyo xilliga xubin kasta ka mid noqotay xisbiga, Meesha ay ku yaallaan xafiiska dhexe iyo laamaha xisbiga, cinwaannadooda, talefoonnadooda iyo emaillada- lagala xiriiri karo, Baaqa guud iyo dastuurka xisbiga oo waafaqsan jadwallada 3 iyo 4 iyo xeer hoosaadka doorashooyinka iyo magacaabista xisbiga dhexdiisa.
  7. Waa in ay leeyihiin nidaam dhammaystiran, faahfaahsan oo ay ku xalliyaan khilaafka xisbiga iyagoo tixraacaya kuna dhaqmaya jadwalka 8-aad ee sharcigan iyo xeerarka u degsan xisbiga gudihiisa.
  8. Waa Inuu bixiyo khidmadda diiwaangelinta lacag dhan 20 malyan oo ShSo oo u dhiganta kun ($1000) oo uu qabtay xafiiska diiwaangeliyaha.
  9. Qof aan ahayn muwaaddin Soomaaliyeed xubin kama noqon karo xilna kama qaban karo xisbi siyaasadeed oo Soomaali ah.

Xisbiga buuxiya shuruudaha diiwaangelinta ee ku xusan faqradda 2-aad ee sharcigan 30 maalmood gudahood, diiwaangeliyuhu wuxuu ku siinayaa shahaado diiwaangelin rasmi ah, waxaana meesha ka baxeysa shahaadadii kumeel-gaarka aheyd ee hore loo siiyay.