Tababarridda Hawl Wadeennada Guddiga
Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) ayaa si joogto ah u tababbara hawlwadeennada waaxyaha kala duwan ee guddiga. Tababarrada ay qaateen ayaa waxaa ka mid ah,
Habka qabashada doorashada boos-buuxinta ee kuraasta ka bannaanaada Golaha Shacabka,
Dejinta qorsho hawleedka waaxyaha Guddiga iyadoo la raacayo qorshaha guud ee istratijiyadda Guddiga.
Tababar ku saabsan maaraynta siyaasadda warbaabinta iyo kor u qaadidda hannaanka baahinta hawlaha guddiga.
Tababarka diiwaan gelinta ku meel gaarka ah ee ururrada siyaasadda, habraaca iyo shuruudaha laga maarmaanka u ah aasaasidda urur siyaasadeed.
Tababar ku saabsan fursad siinta doorka haweenka.
Wacyigelinta Shaqaalaha cusub ee guddiga ku soo biira.
Tababar ku saabsan horumarinta shaqaalaha, Iibka iyo Maaraynta xisaabaadka.
Dhammaan tababarradaas loo qabtay shaqaalaha Guddiga ayaa ahaa kuwa ay aad uga faa’iideen lagana gaaray ujeeddooyinkii loo qorsheeyey. Waxaa is bedel laga dareemay dardarka hawl qabashada shaqaalaha tababbarka ka dib. Waax kasta oo ka tirsan Guddiga waxay degsatay qorsho hawleed u gaar ah waxayna ahayd faa’iidooyinkii laga dhaxlay tababarradaas.
Diiwaan gelinta xisbiyada ayaa si wanaagsan shaqaalaha loogu tababaray waxayna ku dabaqeen aqoonta iyo khibradda ay ka heleen tababarrada diiwaan gelinta ururrada siyaasadda. Waxayna si habsami leh oo sharciga waafaqsan u diiwaan geliyeen si ku meel gaar ah 50 xisbi oo soo buuxiyay shuruudaha iyo habraaca.
Waaxda maamulka iyo maaraynta maaliyadda ayaa ka faa’iiday tababarrada iyagoo degsaday habraaca nidaamka maaraynta shaqada iyo shaqaalaha. Xeerarkan ayaa la filayaa in dhawaan Guddigu ansixinayo si is bedel la taaban karo loogu sameeyo hannaanka shaqada waaxda maamulka iyo maaliyadda.
Guddiga waxaa ka go’an in uu sii wado fursad siinta iyo tababaridda shaqaalaha waaxyaha Guddiga iyo kuwa cusub ee la qaataba si uu u hanto dhismaha hawl wadeenno awood buuxda u leh hirgelinta doorashooyinka. Waxaa xusid mudan in tababarrada ay nagu caawiyeen daneeyaasha doorashooyinka nagala shaqeeya oo ay u horreyso hay’addaha
- IESG
- Creative Associates
- SaferWorld.