Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

Wacyigelinta Codbixiyaha

Ka dib in ku dhowaad nus-qarni oo uu dalka ahaa doorasho la’aan ayaa waxaa la aas-aasay Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka [GMDQ] iyadoo la cuskanayo qodobka 111G ee darstuurka KMG.

Guddigu wuxuu bilaabay inuu dhiso aas-aaska iyo u diyaar gorowga doorashooyinka mustaqbalka. Waajibaadka qaran ee baaxadda leh ee sugaya guddiga oo ay ka mid tahay qabadashada Doorashooyinka Madaxwaynaha, Baarlamanka federaalka iyo diiwaangalinta Musharixiinta ayaa waajib ka dhigaya dhismaha hannaan iyo hawl wadeenno ka bixi kara shaqada guddiga.
Xubnaha guddiga ayaa mas’uul ka ah jihaynta istaraatiijiyadda siyaasadeed ee shaqada guddiga. Waxayna ansixiyaan siyaasadaha, sharuucda iyo xeerka anshaxa waxayna jiheeyaan xoghayaha guddiga. Howl-maalmeedka Guddiga ayaa waxaa mas’uul ka ah waaxyaha Guddiga oo uu madax ka yahay xoghayaha Guud [XG].

Waaxyaha guddiga ee hadda dhisan ayaa waxay kala yihiin: waaxda Diiwaangalinta Cod-bixiyaasha iyo Howlaha Doorashooyinka, Waxbaridda iyo Wacyigalinta Cod-bixiyaha, Waaxda maamulka iyo maaliyadda iyo Waaxda diiwaangelinta xisbiyada siyaasadda.

Waaxda Wacyi galinta cod-bixiyaha iyo waxbarashada madaniga ah ayaa ah waaxdii ugu dambaysay ee guddigu aasaasay bishii Nov 2017. Agaasimaha waaxda, madax qaybeed yada iyo maareeyaasha ayaa la shaqaaleeyay iyagoo ka howlgalidoona xaqiijinta dhamaan howlaha wacyigelineed ee guddiga. Waaxdan ayaa loo qorsheeyey in ay kaalin wayn ka ciyaarto kor u qaadidda aqoonta iyo wacyiga doorasho ee cod-bixiyaasha, taasi oo ah laf-dhabarta geeddi-socodka doorashada iyo hanashada dawladnimada.

Waaxda oo daboolaysa mid ka mid ah tiirarka aasaaska u ah hirgelinta doorashada qof iyo cod ayaa loo dejiyay qorsho hawleed sannadle ah oo ay ku howlgasho. Hawlaha ugu waawayn ee ay xaqiijinayso waaxdu ayaa waxaa ka mid dejinta manhaj waxbarasho oo horseed u noqon kara kor-u-qaadidda aqoonta dadwaynaha guud ahaan iyo tan codbixinta gaar ahaan.

Sida qorshaha guddiga ee 2018 ku cad; Waaxda waxaa loo dhamaystirayaa agabka ay u baahan tahay dhamaadka sannadka 2018. Waxana looga fadhiyaa inay dhisto buundada isku xirta hawladeennada doorashooyinka iyo guud ahaan dadwaynaha Soomaaliyed.