Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

Taariikhda Guddiga

Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka ee dhowaan la aas-aasay , sanadkii 2015-kii, wuxuu bilaabay dhismaha hay’adihiisa si uu dalka iyo dadkaba ugu diyaariyo doorashooyin mustaqbalka ah, iyadoo dadka Soomaaliyeed aysan arag doorasho guud oo dalka ka dhacda iyo sanaadiiqda codbixinta oo dalka oo dhan lagu baahiyo muddo ka badan tobonaan sano, Haddaba Guddigan oo ka kooban 9-qof oo labo ka mid ah ay yihiin haween waxaa lagu dhaariyay baarlamaanka hortiisa 22-kii july 2015-kii, ka dib markii ay soo mareen habraac shaqaale qorid oo uu ka muuqdo tartan kaasoo ka bilowday xayeysiinta guddiga warbaahinta gudaha.

In ka badan saddex-boqol oo qof ayaa codsiyadooda shaqo u soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, ka dibna wasaaraddu waxay u qabatay Guddi madaxbannaan oo soo kala xula codsiyada iyo CV-yada kaasoo u soo gudbiyay Golaha wasiiradda in ka baddan 20 qof. Golaha Wasiirradu dhankiisa wuxuu magacaabay 9ka xubnood wuxuuna u gudbiyay Baarlamaanka oo ku ansixiyay cod qarsoodi ah,waxayna intaa ka dib xubnaha guddigu ku soo baxeen Xeer Madaxweyne.

Guddigan waxaa lagu dhisay Xeerka Guddiga oo soo baxay bishii Febraayo 2015kii, xeerkan oo qeexaya sida xubnaha Guddigu ay mas’uul uga yihiin maamulidda dhammaan doorashooyinka mustaqbalka iyadoo la raacayo MEERTADA DOORASHOOYINKA, inta aan la gaarin codbixinta Guddigu wuxuu mas;uul ka yahay diiwaangelinta codbixiyayaasha, diiwaan gelinta iyo kala hufka musharaxiinta, adeegyada la xiriira hawlgallada baahinta sanaadiiqda codbixinta, xallinta khilaafaadka doorashada iyo ku dhawaaqidda natiijooyinka doorashoyinka.

Sidoo kale guddigu wuxuu jaangoyn doonaa waqtiga ololaha doorashada, sharciyada hagaya ololaha, tilmaamaha lagu shaqaaleynayo kumannaanka shaqaale iyo weliba abuuridda jadwalka shaqo ee doorshooyinka, hawlaha murashaxiinta iyo xisbiyada siyaasadeed, iyo tirinta codadka.