Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

Xubnaha Guddiga

XUBNAHA GUDDIGA

Sida sharciga Dhismaha Guddiga ee L.No.04 uu qabo, magacaabista xubnaha Guddiga waxaa loo maraa si waafaqsan sharciga. waxaa dhawaan la filayaa in la soo magacaabo xubnaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka, iyada oo loo marayo habraaca uu qeexaayo nuqulka u dambeeya ee sharciga Law No. 004.

1. Wasiirka Wasaaradda ay khusayso arrimaha doorashooyinka ayaa bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda ka soo magacaabaya Guddi lataliyaal oo kuImeel gaar ah oo ka kooban todobo (7) xubnood oo leh sumcad iyo aqoon sare. Guddiga kumeel gaarka ah wuxuu kala talinayaa Wasiirka habraaca iyo xulista musharixiinta jagada Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka.

2. Dhamaan xubnaha Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka waa inay Buuxiyaan shuruudaha kuxusan Qod.8aad ee Sharciga dhismaha Guddiga.

3. Kow iyo labaatan (21) maalmood gudahood, kabilaabata marka sharciga lasoo saaro Wasiirka ay khuseyso wuxuu u bandhigayaa dadweynaha danaynaya inay ka mid noqdaan Guddiga inay araajidooda u gudbiyaan Wasaaradda;

4. Kow iyo labaatan (21) maalmood gudeheed ka bilaabato marka uu Wasiirka ay khuseeyso uu soo dhameystiro kala hufidda codsadayaasha , wuxuu Golaha Wasiirada u gudbinayaa todobo iyo labaatan (27) musharrax oo laga soo xulay codsadayaasha, Golalaha Wasiirada waxay go’aaminayaan sagaal musharax una soogudbinayaan Golaha shacabka si uu u ansixyo.

5. Kow iyo labaatan (21) maalmood gudahood marka Golaha Wasiirada u soo gudbiyo Golaha Shacabka, Goluhu wuxuu sagaalka (9) musharrax ee golaha wasiirradu soo gudbiyeen ugu yeerayaa in ay fadhiga Golaha hortiisa ka jeediyaan musharraxnimadooda, aqoontooda, waayo aragnimadooda iyo aragtidooda fog ee ay u tiigsanayaan jagada xubinnimada Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka;

6. Marka uu dhamaado dhegeysiga musharixiinta ee ku xusan sagaalka xubnood, Golaha Shacabka wuxuu xubin kasta oo la soo magacaabay ku ogolaanayaa ama ku diidayaa cod aqlabiyad fudud oo hal dheeri ah;

7. Hadii hal musharrax ama ka badan la diido sida ku xusaan, Golaha Wasiirada waa inay soo bedelaan xubinta la diiday 21 maalmood gudahood si waafaqsan sidii lagu soo xulay una soo gudbiyaan golaha shacabka.

Guul!