Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

Waajibaadka Guddiga

Waajibaadka Guddiga

1. Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka si waafaqsan Qodobka 111G ee Dastuurka, wuxuu leeyahay xililka iyo awooodaha soo socda:
a) Abaabulidda, qabashada iyo kormeerka doorashoyinka heer degmo, gobol, Qaran ee axsaabta siyaasadeed iyo aftida dadweyne;
b) Tan iyo inta axsaabta siyaasadeed iyo deegaan doorashooyin dalka ka hir galayaan, Guddigu wuxuu doorashooyinka deegmooyinka iyo maamul goboleedyada ku maamulayaa si waafaqsan sharciga LR 116 iyo wixii kale oo shuruucda dalka u xil saaro.
c) Diiwaangelinta cod bixiyeyaasha iyo joogtaynta dib u eegidda diiwaanka codbixiyeyaasha,
d) Xadidaadda deegaanada iyo goobaha codbixineed hadba sida ugu habboon oo doorashooyinka looga fulin karo,
e) Nidaaminta iyo hubinta shuruucda axsaabta siyaasadeed, si waafaqsan sharciga diwaangelinta axsaabta iyo shuruucda kale ee dalka,
f) Fududaynta kor joogtaynta, ilaalinta iyo qiimaynta doorashooyinka,
g) Soo saarida iyo hirgelinta xeer dhaqameed hagaya musharaxiinta iyo axsaabta doorashada ka qeyb galeysa,
2. U kuur gelidda iyo ilaalinta in axsaabta ku dhaqmaan sharciyada nidaaminaya magacaabista musharixiinta axsaabta,
3. Hirgelinta Wacyi gelinta codIbixiyeyaasha.
4. Diiwaangelinta Musharixiinta doorashooyinka.
5. Maamulidda doorashada Baarlamaanka Federaalka.
6. Maamulidda qabashada Afti dadweyne.
7. Kormeeridda iyo fududaynta hawlaha doorashooyinka.
8. Xallinta khilaafaadka doorashooyinka iyadoo aan lagu xadgudbeyn doorka hay’adda Garsoorka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya.
9. Ku dhawaaqidda natiijooyinka doorashooyinka;
10. Ku dhawaaqidda muddeynta maalmaha ololaha doorashooyinka, xaddidaada muddada kama danbeysta ah ee doorashooyinka iyo waqtiyeynta abaabullidda iyo diyaarinta doorashooyinka si waafaqsan Dastuurkan iyo Sharcigan.
11. Soo saaridda xeer, habraacyo iyo qoraallo hagaya habsami u socodka doorashooyinka.
12. In uu xafiisyo ka furto degaannada dalka hadba meelaha ugu habboon oo aan looga maarmin fulinta hawlaha Guddiga iyo xil gudashadiisa.
13. In Guddigu uu qorto shaqaale lagama maarmaan u ah fulinta hawlaha doorashooyinka lana waafajiyo sharciga Shaqaalaha rayidka.
14. Guddiga wuxuu shaqo joojin ku sameyn karaa una gudbin karaa hay’adaha cadaaladda qof kasta oo ka tirsan Guddiga ama shaqaalaha Guddiga oo lagu helo fal wax u dhimaya dhexdhexaadnimada iyo cadaaladda doorashooyinka.
15. Khilaafaadka uu xaliyo Guddigu waa kama dambays aan ka ahayn dacwadaha la xiriira xaqa cod bixinta, xaqa ka qaybgalka doorashada iyo go’aanka kama dambeysta ah ee doorashada kaa soo loo qaadan karo racfaan Maxkamadda Dastuurka.
16. Dejinta nidaamka dhaqan wanaagga musharrixiinta, axsaabta siyaasadeed iyo warbaahinta.
17. Inuu go’aan maamuleedka Guddiga ka gaaro cabashooyinka la xiriira go’aannada Guddiga, hawlwadeennada ama wakiillada Guddigu idmaday kana qaado tallabada ku haboon,  Haddii go’aanka guddiga lagu qanci waayo waxaa u furan in racfaan loo qaato Maxkamadda ay khuseyso muddo 14 maalmood gudahood ah, maxkamaddu waa in ay go,aan kama dambeys ah ku gaarto sida ugu dhaqsaha badan.
18. In uu hubiyo tallaabada ku habboona ka qaado in habraaca doorashooyinka uu Guddigu fuliyey si hufan loo hirgeliyey, haddii loo baahdana uu go,aan ku gaari karo in deegaan doorasho ka dhacday dib loogu celiyo doorasho cusub iyo inuu wax kama jiraan ka dhigo natiijada marka ay u sugnaato in rabitaanka cod bixiyeyaasha la musuqmaasuqay.
19. In uu ganaaxi karo ama xannibaad maamuleed ku ridi karo ciddii ku kacda fal dambiyeed, oo aan ahayn fal jariimo, ku xadgudub sharci ama xeer nidaamiyaha Guddiga.
20. In musharraxii ku xadgudba sharcigan ama kuwa aan soo buuxin shuruudaha sharcigan ku xusan uu ka joojin karo tartanka doorashada ama dib u celin karo liiska/liisaska lagu soo magacaabay.
21. In uu cayimo goobaha cod bixinta ay dadweynuhu codkooda ku dhiibanayaan.
22. In uu tilmaamo waraaqaha doorashooyinka iyo habka loo calaamadinaayo.
23. In uu qeexo habka loo tirinayo codadka.
24. In uu cayimo goobaha lagu tirinayo codadka.
25. In uu go’aamiyo goob joogayaal Madaxbannaan iyo Saxaafadda oo u kuur galaya sida doorashada u socoto.
26. Guddiga doorashadu wuxuu soo jeedin karaa dib u dhigis doorasho ee muddo cayiman isagoo sababeysan faahfaahsan u soo gudbinaya Golaha Baarlamaanka Federalka xilli ku habboon.
27. Fulinta hawl kasta oo Dastuurka iyo sharcigani u xilsaaray.