Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

Sharciga Doorashooyinka

Hordhac

Taariikhdu markay ahayd 28 Diseembar 2019, Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu ansixiyay Sharicga Doorashooyinka Heer Federaal; iyaga oo ka dibna u sii gudbiyay Golaha Aqalka Sare sida uu qabo nidaamka xeer dejinta Soomaaliya. Dood ka dib xubnaha Aqalka Sare waxay iyaguna ansixiyeen sharciga 08 Febraayo 2020.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sharciga saxiixay 21 Febraayo 2020.

Ujeedooyinka Sharciga waa:

  1. In lagu maamulo doorashada labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Faderalka Soomaaliya.
  2. Inuu tilmaamo habraaca Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderalka Soomaaliya.
  3. In lagu hirgaliyo doorashooyin waqtiyaysan oo qof iyo cod ah, xor iyo xalaalna ah, toos ah,  dadkuna codkooda si qarsoodi ah u dhiibtaan.
  4. In lagu qeexo nidaamka doorasho ee dalka soomaaliya

Mabaadii’da Aasaasiga Ah Ee Sharciga

  1. Inay noqdaan doorashooyinku kuwo waqtiyaysan, qof iyo cod ah, una dhaca si xor ah, toos ah si waafaqsan sharcigan, Dastuurka Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya, heshiisyada caalamiga ee Soomaaliya qaybta ka tahay.
  2. cod-bixiyeyaashu waxay si siman xaq ugu wada leeyihiin dhiibashada codkooda.
  3. Muwaadin kasta ee u dhashay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu xaq u leeyahay inuu wax doorto lana doorto iyadoo qofna lagu takoorin, qolo, midab, isir, dhaqan ama lahjad, jinsi, dadka qaba baahiyaha gaarka ah, fikir siyaasad, xirfad, heerka bulsho ama dhaqaale iyo wax kasta oo la halmaala.
  4. In la dhowro qarsoonida iyo xorriyadda sir ahaanta dhiibashada codka.

Sharciga Doorashada ee Heer Federaal oo saxiixan dhowaan ayaan soo lifaaqi doonnaa.