Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

Doorashooyinka

Sooyaalka Geeddi Socodka Doorashooyinka Soomaaliya

Sannadkii 2000 shirkii Carta waxaa lagu xasuustaa in uu ahaa billowga geeddii socodka hannaanka dawladnimo ee Somalidu ku taamayso inay ku gaarto dawlad ku timaadda matalaadda shacabka.

Inkastoo hannaankii 4.5 ee lagu heshiiyay waqtigaas loo arkayey xal siyaasadeed, haddana dawladdii Carta waxay suurto gelisay hannaanka lagu gaaray nidaamka federaalka ee maanta dhisan. Dawladdii Embagati waxay sidoo kale gaarsiisay dalka hannaankii KMG ahaa dalka ka hirgalay.

Xoraynta caasimadda ayaa lagu xasuustaa dawladdii KMG ahayd iyo ansixinta qabyo qoraalka dastuurkii KMG ahaa. Geedi socodka aasaaskii dib u soo noolaynta dawladnimada Somaliya ayaa hanaan kasta oo la soo dhisay tan iyo sannadkii 2000 mid ba qayb ka soo qaatay. Sannadkii 2012ka waxaa suurto galay in laga baxo nidaamkii KMG ahaa, lana dhiso hannaankii federaalka ahaa ee dawlad goboledyada.

Fursaddii ugu wanaagsanayd ayaa ahayd in la dhisay guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka iyo sharcigii aasaaska u ahaa. Waxay taasi horseeday inay soo noolaato himiladii ummada ee ay ku gaari lahaayeen dawlad matasha shacabka oo loo tartamo.

Soomaaliya waxay u dhowdahay qaadashada hannaan doorasho oo ku dhisan matalaadda dadwaynaha. Taasi waxay saamayn ku yeelan doontaa geeddi socodka siyaasada dalka iyo soo kabashada dawladnimadeeda. Shirkii London lagu qabtay bishii May 2017kii, Dawladda Federaalka ee Somaliya waxay cadaysay inay ka go’an tahay qabsoomidda doorashooyin halbeeg caalami ah leh sannadka 2020ka iyo inay ku diyaariso sharciyada doorashooyinka bartamaha sannadka 2018da.

Sidaa darteed, markuu dhamaado muddo xileedka baarlamaankaiyo hoggaanka sare waxaa lagu soo dooran doonaa doorashooyin ay ku tartamaan xisbiyo badan iyo cod-bixin dadwaynuhu si toosa u dhiibtaan, markii ugu horraysay tan iyo 1969kii.

Intii lagu guda jiray xilligii kala guurka ee lagu heshiiyay hannaanka awood qaybsiga ku meel gaarka ah oo markii hore loo qorsheeyey inuu dhammaado 2016kii, waxaa lagama maarmaan noqotay in lagu sii shaqeeyo muddo afar (4) sano oo kale ah (2016-2020) muddadaas oo dhib-u-eegis lagu samayn doono dastuurka ku meel gaarka ah ee JFS, laguna diyaarin doono shuruucda muhiimka u ah qabsoomidda doorasho hal beeg caalami leh.

Doorashooyin guud oo dalka ka qabsoomaa waxay Somalida u tahay tallaabo taariikhi ah oo horay loo qaaday, dalkuna waxa uu ka gudbayaa awood qaybsigii ku dhisnaa qabaa’illada. Inkastoo halbeegga awood qeybsiga 4.5 ay Somalidu kaga soo gudubtay caqabado siyaasadeed oo waaweyn, lana istcmaali karo inta laga gaarayo doorashooyin dadweynuhu si buuxda codkooda u dhiibanayaan, haddana ku tala galka marna ma aha in halbeeg-qiyaaseedka 4.5 uu noqdo jaangooynta mustaqbalka siyaasadda dalkeenna.