Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

Xafiiska Xisbiyada

Hawlaha Diiwaangeliyaha.

Hawlaha xafiiska diiwangeliyaha waxay noqonayaan: –

  1. Diiwaangelin, hagid, u kuurgelid, kormeerid iyo baaridda ay ku hubinayaan in xisbiyada siyaasaddu dhowrayaan kuna dhaqmayaan sharcigan.
  2. Maammulidda sunduuqa xisbiyada.
  3. Xaqiijinta faafinta xisaab sannadeedka la hanti-dhowray ee xisbiyada.
  4. Hubinta iyo shaacinta diiwaanka xubnaha xisbiga.
  5. Kaydinta diiwaanka Xisbiyada iyo astaaamahooda.
  6. Xaqiijinta in qof uusan ka mid ahayn hal xisbi ka badan, haddii ay muuqatana in qofkaasi u diiwaangashan yahay hal xisbi ka badan, diiwaangeliyuhu wuxuu qoraal ku wargelinayaa xisbiyada uu u diiwaangashan yahay farayaana inay sharciga waafajiyaan muddo shan iyo toban beri (15) gudahood ah.
  7. Hubiyo xaqiijiyana inaan qofna lagu qori karin diiwaan xisbi lana sharrixi karin isagoo/iyadoo aan oggolaansho laga helin, xisbiga falkaas lagu helana wuxuu mutaystay dembi.
  8. Hubiyo, xaqiijiyo, kormeero magacaabista musharraxiinta xisbiga gudihiisa doorashada u tartamaya inay waafaqsan tahay shuruucda u degsan xisbiga.
  9. Baaro cabashooyinka soo gaara isagoo adeegsanaya si waafaqsan sharcigan.
  10. Qabto shaqo kasta oo kale ee sharcigani ama shuruucda kale ee dalka u jideynayaan ama awood u siinayaan.