Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

Diiwaangelinta Codbixiyaha

DARAASADDA LAGA SAMEEYEY DIIWAANGELINTA CODBIXIYAHA

Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) iyo khubaro ka kala socday hay’adaha IESG iyo Creative Association ayaa ka sameeyey dalka cilmibaaris ku saabsan diiwaangelinta codbixiyaha markey taariikhdu aheyd 3da Bisha September 2017.  Daraasaddan oo socotay afar usbuuc ayaa kooxda u suurta gashay in ay safaro ku tagaan caasimadaha maamul goboleedyada dalka ayagoo baaraya habka diiwaangelinta codbixiyaha loo sameyn karo, qaabka loo xaqiijin karo xaq u lahaanshaha codeynta, muwaadinnimada iyo caqabadaha ka hor imaan kara in la qabto diiiwangelin codbixin si loogu diyaar garoobo doorashda dalka ka dhici doonta 2020.

 

Ujeedada cilmibaaristan aya ahyed in la xaqiijiyo nooca diiwangelin la isticmaali doono si loo jaangooyo miisaaniyadda ku bixi doonta diiwaangelinta codbixiyaha taasoo la qorsheynayo in la qabto sanada 2019. Howshaas cilmibaarista ah  oo ay guddigu iyo kooxda khuburada ah isla sameeyeen  ayaa warbixintooda soo bixi doonta dhawaan taasoo faahfaahin doonta noocyada qalab iyo hannaanka diiwaangelinta codbixiyaha ee loo isticmaali karo dalka Soomaaliya iyo sidii diyaar garow dhameystiran  looga sameyn lahaa diiwaangelinta doorashada qof iyo cod oo guddiga u qorsheysan in ay ka qabtaan dalka 2019.

Guddiga iyo khuburadu, waxay la kulmeen inta ay ku guda jireen cilimi baaristan dad badan oo ka kala socday dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada, sida siyaasiyiinta, madaxda dawladda, madaxda dowlad goboleedyada, ururada siyaasadda, ururada bulshada, culumada iyo haweenka.

 

 

Cilmi baristu waxay baareysay arrimahan soo socda:

  1. Aqbalitaanka diiwaangelinta siyaasiyiinta iyo dadweynaha
  2. Heerka ka qeybqaadahsda diiwaangelinta codbixinta
  3. Nooca diiwaangelinta la qaadan karo
  4. In la isticmaalo warqado ( Manual registration)
  5. In la isticmaalo tiknoolojiyada sareysa ( Biometric registration)
  6. Isla maalinta diiwaangelinta doorashda ( e-day registration)
  7. Sidee lagu xaqiiiqin karaa dadka wax dooran kara da’ ahaan iyo Somalinimo
  8. Caqabadaha imaan kara side lagu xalin karaa

Cilmi baaristu waxay heshay arrimahan soo socda:

  1. Waxay cilmi baaristu heshay in dhammaan dadka soomaaliyeed diyaar u yihiin in ay codeeyaan ayagoo tilmaamay caqabadaha amniga haddii meesha laga saaro. Waxaa sidoo kale aad u soo dhaweeyey siyaasiyiinta iyo maamulada dowlad goboleedyada waxayna ballan qaadeen in ay guddiga la shaqeynayaan arrimaha ku saabsan diiwaangelinta codbixiyaha
  2. Sida dadka ay uga qeybqaadaan karaan dhammnaatood ama tirade macquulka ah ayaa cilmibaaristu ogaatay in ay asal u tahay amniga iyo siyaasadda.
  3. Waxay siooo bandhigtay cilmi baaristu mid waliba faa’iidadiisa iyo khasaaraha dhanka maaliyadeed. Waxayna talo ku jeedisay in ay habboon thay midda ah isla maalinta doorashada in dadka la doiwaangeliyo (E-day registration).
  4. Xaqiiqinta da;da doorashada waxay ku soo bixi doontaa sharciga doorashada laakiin dadka in ay da;daasi gaareen waxaa xaqiiijin doona odayaasha maadaama xog sax laga haynin.

 

Waxay cilmibaaristan ka tari doontaa in siyaasiyiintu u fududaato go’aan ka gaarista siyaadaha cakiran ee horyaalla iyo in ay soo bandhigto rabitaanka shacabka soomaaliyeed oo ah nooca ay rabaan diwaangelinta codbixiyaha in la isticmaalo, waxayna talo ka siin doontaa madaxda sare ee dalka sidii ay u wajihi lahaayeen siyaasadaha la xiriira diiwaangelinta codbixinta, waxay sidoo kale guddigana u fududeyn doontaa howlahooda la xiriira diiwaangelinta codbixiyaha.