Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

Xisbiyada Siyaasadda

Sida uu qabo Qodobka 2aad ee Sharciga Xisibyada Siyaasaddu “Xisbi siyaasadeedka dimoqraadiga ahi waa hay’ad ay ka wada muuqdaan qeybaha kala duwan ee bulshada lehna isla xisaabtan dhab ah, soo bandhigaysa qorsheyaal kala duwan oo siyaasadeed, musharraxiin ka qeybgaleysa doorashooyinka guud, kana qeybqaadaneysa dhismaha xukuumadda ama mid mucaarad ku ah.”

Hubinta Dastuurka Xisbiyada

Diiwaangelinta xisbiyadu waa hannaan dheer oo u baahan in si taxaddar leh loo hubiyo macluumaadka xisbigu soo gudbiyey si xisbi loogu aqoonsado.

Halkaan hoose ayaa aad ka la degi kartaa foomka hubinta dastuurka xisbiyada.

La deg Hubinta Dastuurka Xisbiyada (PDF; 264 KB)


Hagaha Diiwangelinta Xisbiyada Siyaasadeed

Hagahani waa mid soo koobaya shuruudaha diiwaangalinta xisbiyada siyaasadda. Tilmaan-bixiyahan maahan mid utaagan beddelka Dastuurka Kumeelgaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Sharciga Xisbiyada Siyaasadeed. Dastuurka Kumeelgaarka ah iyo Sharciga Xisbiyada siyaasaddu waxa ay qeexayaan shuruudo & waajibaad dhameystiran oo laga doonayo xisbiyada isdiiwaangalinaya iyo kuwa diiwaangashan.

Xisbi siyaasadeedka dimoqraadiga ahi waa hay’ad ay ka wada muuqdaan qeybaha kala duwan ee bulshada lehna isla xisaabtan dhab ah, soo bandhigaysa qorsheyaal kala duwan oo siyaasadeed, musharraxiin ka qeybgaleysa doorashooyinka guud, kana qeybqaadaneysa dhismaha xukuumadda ama mid mucaarad ku ah.

Dad ama ururro isu tagay ma noqon karaan xisbi siyaasadeed haddii aaney u diiwaangashaneyn si waafaqsan sharcigan iyo dastuurka qodobkiisa 22-aad. Ururro ama dad isu tagay si ay u abuuraan xisbi siyaasadeed waxay codsan karaan diiwaangelin kumeel-gaar ah.

La deg Hagaha Diiwangelinta Xisbiyada Siyaasadeed (PDF; 103 KB)


Sharciga Axsaabta Siyaasadda Dalka

Tixraac xeer Lr. 19 oo Xafiiska Madaxweynaha ka soo baxay 27/06/2016 kaas oo Madaxweynuhu ku oggolaaday Ansixinta Sharciga Axsaabta Siyaasadda Dalka oo uu Guddoonka Golaha Shacabku ugu soo gudbiyey warqadda ku sumadaysnayd 1360/3/1/9/16 ee soo baxday 06/06/2016

La deg Sharciga Axsaabta Siyaasadda Dalka (PDF; 3 MB)