Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

Aasaasidda Xisbiga

Waa maxay Xisbi Siyaasadeed?

Xisbi siyaasadeedka dimoqraadiga ahi waa hay’ad ay ka wada muuqdaan qeybaha kala duwan ee bulshada lehna isla xisaabtan dhab ah, soo bandhigaysa qorsheyaal kala duwan oo siyaasadeed, musharraxiin ka qeybgaleysa doorashooyinka guud, kana qeybqaadaneysa dhismaha xukuumadda ama mid mucaarad ku ah.

Xisbi siyaasadeedku waa in uu:

  1. Lahaadaa muuqaal qaran, matalaa ugu yaraan saddex meelood laba ka mid ah (2/3) gobollada dalka si waafaqsan qodobka 58aad oo hoggaankiisa iyo xubnihiisuba ku saleysan yihiin xuduudihii gobollada dalka ee jiray 1991kii.
  2. Lahadaa gole fulin oo si dimoqoraadi ah loo soo doortay;
  3. Ilaaliyaa, ku dhaqmaa, dhiirrigeliyaana midnimada qaranka.
  4. U hoggaansamaa mabaadi’ida dimoqoraadiyada ee maamul wanaagga, horumariyaa ku dhaqanka dimoqoraadiyadda, iyadoo xisbiga dhaxdiisa laga qabanayo doorashooyin xor iyo xalaal ah oo joogta ah.
  5. Xushmeeyaa xuquuqda dadka oo dhan in ay ka qeybqaataan hannaanka siyaasadeed oo ay ka mid yihiin dadka laga tirada badan yahay iyo dadka la hayb sooco.
  6. Xushmeeyaa, dhiirigaliyaa xuquuqul insaanka, xoriyadda as’aasiga ah iyo xaqsoorka sinnaanta jinsiga.
  7. Horumariyaa ujeeddooyinka iyo mabaadi’ida dastuurka sida kumeel-gaarka ah ee soomaaliya iyo sarreynta sharciga.
  8. U hoggaansamaa, dhowraana hab-dhaqanka xisbiyada siyaasadeed.
  9. Lagu maammulaa Xisbiyada iyo ururada siyaasadeed ee dalka hab waafaqsan sharcigan oo aan ka horimaanaynin shareecada islaamka, dastuurka qaranka iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla.

Xisbiyada siyaasadeed waa in aan: –

  1. Lagu dhisin xagjirnimo, qabiil, lahjad, hayb, sinji, lab/dhaddig, goboleysi iyo in uusan abaabulin isnaceeb bulshada dhaxdeeda ah.
  2. Isku hawlin, dhiirrigelin qalalaaso colaadeed, cabsigelin xubnaha xisbigiisa, xubnaha bulshada iyo xubnaha ururo kale.
  3. Loo oggolaan in ay yeeshaan ciidamo hubeysan iyo ururro kuwaas oo kale ah.
  4. Ku lugyeelan qaadashada iyo bixinta nooc kasta oo laaluush iyo musuqmaasuq ah.
  5. Loo isticmaalin nooc kasta oo hantida qaranka ah danaha gaarka ah ee la xiriira doorashooyinka sida uu dhigayo sharcigan iyo shuruucda kale ee dalka.