GMDQ iyo Hay’adda Diiwaan-gelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliyeed (DADSOM) oo yeelanaya xiriir wada-shaqeyn.
Kulan dhexmaray Guddoomiyaha GMDQ Marwo Xaliimo Ismaaciil iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (DADSOM) oo ka dhacay Xarunta GMDQ ee magaalada Muqdisho 27-kii Sebtember 2022 ayaa labada hay’adood waxay isku afgarteen in kor loo qaado wadashaqeyntooda si ay u fududaato hirgelinta waajibaadka qaran ee saaran labada hay’adood.
Dhinacyada la iska kaashan karo ee kulanka lagu soo qaaday ayaa waxaa ka mid ah aqoonsiga iyo diiwaangelinta codbixiyayaasha Soomaaliyeed oo ah waajib dastuuri ah oo saaran GMDQ. Diiwaan-gelinta cod-bixiyaha oo ah hawsha ugu muhiimsan geeddi-socodka doorashada ayaa waxaa wax weyn ka tari kara jiritaanka diiwaanka dadweynaha Soomaaliyeed.