Xafiiska Diwaan-galiyaha Xisbiyada Siyaasada ee GMDQ ayaa maanta oo taariikhdu tahay 6da Diseembar 2020, waxa uu qabtay munaasabad lagu gudoonsiinayo shahaadooyinka ku meel gaarka ah labo (2) Xisbi siyaasadeed oo cusub, kuwaas oo kamid noqon doona Xisbiyada u diwaangashan sida kumeel gaarka ah ee haysta shahaadooyinka. Labada Xisbi ee maanta la gudoosiiyay shahaada ku meel gaarka ah ayaa kala ah.
1. Xisbiga Midnimada iyo Xaqsoorka
2. Xisbiga Soomaalida Cusub
Ugu horayn waxaa Munaasabada kalmado kooban kasoo jeediyay Diwaangaliyaha Xisbiyada Siyaasadda Mudane Maxamed Cumar Xaydara isaga oo bogaadiyay dadaalka lagu baadi goobayo in uu dalku u gudbo hannaanka Xisbiyada, kana gudbo hannaanka qabaa’ilka ee aan muddada ku jirno. Waxa uu xisbiyada kula dardaarmay in ay raacaan kuna dhaqmaan habraacyada iyo shuruucda loo diyaariyay axsaabta.
Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ah Guddoomiyaha Xisbiga Midnimada iyo Xaqsoorka oo goobta ka hadlay ayaa ka maha dceliyay hannaanka ay ku dheehnayd hufnaantu oo uu GMDQ marsiiyeen qaadashada shahaadada kumeel-gaarka, sidoo kale waxa uu tilmaamay kuna ammaanay GMDQ in ay dhisayaan Axsaab Soomaaliyeed oo la marsiiyay qaanuun sharci ah kuwaas oo diyaar u noqon kara in ay la jaanqaadaan hannaanka dimuqraadiyadeed ee doorashooyinka qof iyo cod.
Xisbiyadan ayaa ka mid noqon doona xisbiyada sida ku meel gaarka ah uga diiwaan-gashan dalka oo looga fadhiyo in ay kaalin mug leh ka qaataan dadaalka dimuqraadiyeynta Soomaaliya ee doorashada 2024/25 ee soo socota.