Xaafiiska Diiwaan-geliyaha Xisbiyada Siyaasadda ee GMDQ ayaa shahaadooyin ku-meel-gaar ah guddoonsiiyey Toban xisbi oo cusub oo ka mid noqon doona xisbiyada sida ku-meel-gaarka ah u diiwaan-gashan. Munaasabada shahaadooyinka lagu guddoonsiiyey xisbiyada cusub ayaa ka dhacday xarrunta dhexe ee GMDQ ee magaalada Muqdisho maanta oo taariikhdu tahay 17/8/2020. Xisbiyada la diiwaan-geliyey ayaa kala ah: Xisbiga Wadaniga ee Israac, Xisbiga Isbedelka Dimoqraadiga ah, Xisbiga Hayaan, Xisbiga Dhulka Hooyo, Xisbiga Dhalinyarada Soomaaliyeed, Xisbiga Siyaasadeedka Hogaanshe, Xisbiga Astaan Qaran, Xisbiga Nabadda iyo Xallinta Khilaafaadka Soomaaliyeed, Xisbiga Dib-u-heshiisiinta iyo Horumarinta iyo Xisbiga Runta iyo Caddaaladda.
Maxamed Cumar Heydara oo ah Diiwaan-geliyaha xisbiyada ayaa furitaankii xaflada hadal kooban ka jeediyey isaga oo soo dhaweeyey dhamaan xisbiyada cusub oo ku soo biiray xayndaabka siyaasadda ee doonaya in ay ka qeyb-galaan doorashooyinka dalka ka dhici doona 2020-2021, waxaa uuna ku wargeliyey in shahaadada ay hadda qaadanayaan ay tahay ku-meel-gaar, balse ay xisbiyadu kaga qeyb-geli karaan oo kaliya doorashooyinka shahaadada rasmiga ah, sidaas daraadeed ay kula dardaarmay in ay ku dadaalaan sidii ay u noqon lahaayeen xisbiyo rasmi ah oo qaata shahaadada rasmiga ah, isaga oo si faahfaahsan ugu sharaxay waxyaabaha looga baahan yahay in ay la yimaadaan si ay ku noqdaan xisbi rasmi ah. waxaa kale oo uu aad ugu adkeeyey in laga wada shaqeeyo siddi dalka doorashooyin dimuqraadi ah looga hirgelin lahaa.
Dhinaca xisbiyada oo ay gudoomiyeyaashoodu ka hadleen munaasabada ayaa ka mahad-celiyey sidii hufneyd ee uu GMDQ ula shaqeeyey intii ay ku guda jireen diyaarinta hawlaha is-diiwaan-gelinta maanta u qabsoontay. mid ka mid ah gudoomiyeyaashii goobta ka hadlay ayaa yiri ‘’aad ayaan ugu faraxsanahay in maanta aan ka mid noqono xisbiyada sida ku-meel-gaarka ah uga diiwaan-gashan dalka, waxaana dooneynaa in dalku ka baxo nidaamka wax qeybsiga beelaha una gudubno nidaam dimuquraadi ah oo xisbiyo badan leh’’.
Gabagabadii munaasabada ayaa waxaa soo xiray Xuseen Cabdi Aadan oo ah xubin ka mid ah GMDQ, oo sheegay in xisbiyadu yihiin habka lagu tartamo siyaasada, ayna lagama maarmaan tahay in xisbi kasta uu furto xaafiiskiisa, xiriir joogta ahna la yeesho Xaafiiska Diiwaan-gelinta xisbiyada ee GMDQ. waxaa uuna kula dardaarmay in ay akhriyaan ayna ilaaliyaan sharciga xisbiyada dalka.