Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka GMDQ ayaa kulan xog warran ah la yeeshay ururrada bulshada rayidka ah. Kulanka ayaa waxaa ka soo qayb galay xubno matalayay dhamaan dalladaha bulshada rayidka ee dalka. Arrimaha doorashoyinka iyo doorka bulshada rayidka ah ayaa si wanaagsan loogu lafa guray kulanka intii uu socday.
Guddoomiyaha GMDQ ayaa warbixin dhamaystirayn ka siisay ururrada bulshada dadaalkii Guddigu u soo maray hirgelinta howlaha doorashooyinka iyo dhamaystirka qorshaha howlgalka geedi socodka doorashada ee loogu gudbi karo hannaanka tartanka axsaabta badan ee dimuqraadiga ah.
Xubnaha bulshada rayidka ah ayaa bogaadiyay doorka Guddiga isla markaana su’aalo ka waydiiyay taageerooyinka lagama maarmaanka u ah hirgelinta howlaha u dhiman doorashada iyo sidii lagu heli karo. GMDQ ayaa hoosta ka xariiqay in howsha doorashada ay tahay mas’uuliyad wadareed ku hirgeli karta wadar ogol loona baahan yahay in mas’uuliyad la iska saaro sidii loo xaqiijin lahaa doorasho xor iyo xalaal ah.
Gabagabada kulanka Ururrada bulshada rayidka ayaa Guddiga uga mahad celiyay warbixinta isla mar ahaantaana ballan qaaday in ay doorkooda ka qaataan u qareemidda xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadinka. Guddiga iyo ururrada ayaa ku ballamay in ay yeeshaan kulamo joogto ah oo xog iswaydaarsi oo ku saabsan sidii dalka looga hirgelin lahaa doorashooyin xor iyo xalaal ah.