Waxaa maanta Magaalada Mogadishu ku soo idlaaday kullan socday sedex maalin oo ay isugu yimaadeen Komishineerada, Agaasimayaasha, Maareyayaasha iyo lataliyaasha Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka.
Kullanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray Xeerka Xisbiyda iyo hanaanka diwaangalinta rasmiga ah, ansixinta qoraallada jadwalka doorashooyinka & miisaaniyadda, Iswaafajinta shuruucda, qaab dhismeedka istiraatijiyada & hanaanka fulinta shaqada Guddiga, Hanaanka xalinta khilaafaadka ka dhasha doorashada iyo amniga doorashada.
Sidoo kale shirka waxaa aad loogu lafa guray warbixinta afar biloodlaha ah ee Baarlamaanka laga horjeediyo afartii biloodba mar.
Guddoomiyaha GMDQ Xaliima Ismaaciil Ibraahim oo soo xirtay kulanka ayaa la dardaarantay hawl wadeennada kala duwan ee Guddiga iyadoo ku amaantay shaqadii wanaagsaneed ay soo qabteen, iyadoo sidoo kalana u tilmaamtay shaqada adag ee dhiman.