Hoggaanka Guddiga Madaxbanaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo hoggaanka Xarunta Tala soo jeedinta Soomaaliyeed ayaa maanta ku kulmay Magaalada Mogadishu.
Xarunta ayaa Guddiga ka waraysatay diyaargarowga GMDQ ee ku aaddan Doorashada, caqabadaha jira iyo hawlaha Xisbiyada.
Hoggaanka GMDQ ayaa xarunta kaga waramay taariikhda Guddiga iyo waxa u qabsoomay inta uu GMDQ uu jiray iyo sida ay Guddiga oga go’antahay qabsoomidda Doorashada dalka, sidoo kale Gudoomiye Xaliima Ismaaciil Ibraahim ayaa sheegtay in Guddiga go’aankiisa doorashada ku aaddan uu 27 June ka jeedin doono kulanka labada Gole ee Barlamaanka JFS.