Munaasabad ka dhacday xarunta GMDQ Nov 23, 2019 ayaa lagu gudoonsiiyay shahaadada xisbinimada ee ku meel gaarka ah 6 xisbi siyaaasadeed oo cusub.
Xisbiyada cusub ee la diiwaan geliyay ayaa kala ah Xisbiga Horu-socodka Shaqaalaha Soomaaliyeed, Xisbiga Qaran, Xisbiga Dhaqaaqa Soomaaliyeed, Xisbiga SANU, Xisbiga Midnimada Shacabka iyo Xisbiga Hogaan Qaran.
Commissioner Cabdirahman Cusmaan Dirir oo munaasabada ka hadlay ayaa xisbiyada cusub ee maanta la diiwaan geliyay ugu hambalyeeyay is diiwaangelinta ay qaateen isagoona sidoo kale ku dhiira geliyay inay ku dadaalaan sidii ay u noqon lahaayeen xisbiyo qaran oo rasmi ah, aysana is dhigan maadaama diiwangelinta hada la diiwangeliyay ay tahay mid kumeel gaar ah.
Sidoo kale commissioner Xuseen Cabdi Aadan ayaa xisbiyada u sheegay in Guddigu uu sameeyo kormeero joogta ah oo lagu tago xarumaha xisbiyada si loo hubiyo in xisbigu yahay mid shaqeeyo oo shuruudihi soo buuxiyay.
Waxaa kale oo uu xisbiyada kula dardaarmay inay ilaaliyaan shuruucda dalka sida dastuurka iyo sharciga xisbiyada.
Xisbiyada cusub ee maanta la diiiwan geliyay ayaa Guddiga uga mahad celiyay hawsha adag ee ay dalka u hayaan waxayna sheegeen inay ku dadaali doonaan sidii ay ku heli lahaayeen diiwaan gelinta rasmiga.
Sidoo kale xisbiyada ayaa uga mahad celiyay GMDQ sida fiican oo dhex dhexaadnimada ah ee ay xisbiyada ula shaqeeyaan iyagoona madasha ka sheegay in loogu adeegay si hufan. Xisbiyada cusub ee maanta la diiwaangeliyay oo tiradoodu ahayd 6 xisbi ayaa ku biiraya 57 xisbi oo hore u diiwaan gashanaa waxayna tirada guud ee xisbiyada hada sida kumeel gaarka ah u diiwaan gashan noqonayaan 63 xisbi.