Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

Tababar ku saabsan ka qeyb-galka haweenka ee hoggaanka xisbiyada siyaasadda

Tababar ku saabsan ka qeyb-galka haweenka ee hoggaanka xisbiyada siyaasadda

11 November 2019: tababar ku saabsan ka qeyb-galka haweenka ee hoggaanka xisbiyada siyaasadda oo loo qabtay hoggamiyayaasha ururada dhallinyarada iyo haweenka koonfur galbeed soomaaliyeed.

Guddiga Madaxabannaan ee Doorashsooyinka Qaranka isaga oo gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga oo ay ka mid tahay wacyi gelinta iyo waxbaridda cod bixiyayaasha Soomaaliyeed ayuu tababar socon doona 2 cisho oo ku saabsan ka qeyb galka haweenka ee hoggaanka xisbiyada siyaasadda Baydhabo ugu qabtay ururada haweenka, kuwa dhallinyarada iy ardada jaamacadaha.
Tababarkaan oo ay ka horreeyeen kuwa dhowr ah oo lagu qabtay Muqdisho ayaa loogu tala galay iney sare u qaadaan aqoonta iyo wacyiga dadka Soomaaliyeed ee la xiriirta kaalinta haweenka ee xisbiyada siyaasadda iyo doorashada.
Waxaa ka qeyb galayaasha oo sidoo kale ay qeyb ka ahaayeen ardada dhowaan dhameysay jaamacadaha loogu gudbiyay casharro ku saabsan tilmaamaha xisbi siyaasadeed qaran, muhiimadda xisbiyada siyaasadda, sida muwaadiniintu ugu biiri karaan xisbiga ay door bidayaan iyo sidoo kale sida Guddigu uga shaqeeyo isu dheelli-tirka jinsiga inta lagu guda jiro diiwaan gelinta xisbiyada siyaasadda.
Waxay sidoo kale ka qeyb galayaashu ka doodeen doorka haweenka uga furan xisbiyada, caqabadaha ku hor gudban iyo sidoo kale sida ay caqabadahaas uga gudbi karaan.
Guddiga isaga oo higsanaya hadafkiisa ah in la helo muwaadiniin Soomaaliyeed oo xog-ogaal u ah xuquuqdooda iyo waajibaadkooda doorasho ayuu joogteynayaa tababarrada iyo wacyi gelinita cod bixiyayaasha Soomaaliyeed