Dhismaha xisbiyada siyaasadeed waa qeybta ugu muhiimsan ee hawlaha dimuqraaddiyeynta dalka waana saldhigga doorashooyin xaq iyo xalaal ah oo ka dhaca dalkeenna.
Haddaba kulan lagu gorfeynayay xeer-nidaamiyaasha maamulka iyo maaliyadda ee xisbiyada ayaa waxaa loo qabtey xisbiyada kumeelgaarka ah, waxaana soo agaasimey Xafiiska Diiwaangalinta Xisbiyada ee Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo hay’adda Creative Associates International.
Furitaanka kulankan waxaa hadalo soo dhaweyn iyo mahadnaq ah ka jeediyey xubin ka mid ah Guddiga Saciid Xaashi Warsame oo sheegay kulankani inuu yahay kulankii afaraad (4) oo muddo bil gudaheed ah loo qabto xisbiyada lagana doonaayo xisbiyada inay talooyin ku yeeshaan xeernidaamiyayaasha loo soo bandhigayo kana faaiideestaan fursaddan sidii ay u horumarin lahaayeen xisbiyadooda dhanka maamulka maaliyadda si waafaqsan sharciga xisbiyada iyo sharciyada kale ee dalka .
Intii uu socday kulankan maanta waxaa si weyn looga dooday loona falaanqeeyay qeybo ka mid sharciga xisbiyada kuwaas oo khuseeya maamulka iyo maareynta nidaamka maaliyadeed ee xisbiyada, waxayna xisbiyadu si aan hagar lahayn talooyinkooda ugu biiriyeen xeernidaamiyayaashii la soo bandhigay.
Waxaa kale oo sharciyaqaannada Guddigu ay si toos ah uga jawaabeen su,aalaha la xiriira habka maaliyadeed ee xisbiyada laga doonayo kuwaasoo ay soojeediyeen madaxda xisbiyadu.