Maanta 26ka Febraayo waxaa Muqdisho ka qabsoomay kulan wacyigelin ah oo loo qabtay haweenka Soomaaliyeed. Kulankaan wacyigelinta oo ay soo qaban qaabisay waaxda wacyigelinta ee GMDQ ayaa waxa uu ku saabsanaa xuquuqda iyo waajibaadka codbiyaha si gaar ah xaquuqda haweenka ee siyaasadda, xisbiyada iyo doorashada 2020.
Furitaanka kulankan wacyigelinta ayaa waxaa ka hadley Xoghayaha Guud ee GMDQ Md. Cabdirisaq Bashir Maxamed iyo Xubin ka mid ah GMDQ Md. Xuseen Cabdi Aadan oo labaduba faahfaahiyay ujeedka kulanka iyo dadaalka uu Guddigu ugu jiro in dhammaan dadka Soomaaliyeed sidii ay u heli lahaayeen xuquuqdooda doorasho, iyo in wacyigelinta ay socon doonta ilaa ay doorashada ka dhacdo 2020 muwaadin kastana uu codkiisa u dhiiban doono si xor iyo xalaal ah. Kulamadaan wacyi gelinta ah ayuu Guddigu qorsheynayaa in ay si joogta ah uga sii socdaan guud ahaan waddanka.
Wacyigelintan waxay socon doontaa labo maalmood waxaana loogu talagalay inay ka qeyb qaataan 100 haween ee ka kala socda qeybaha kala duwan bulshada.