Wafdi ay hogaaminayso Gudoomiyaha GMDQ Marwo Xaliima Ismaaciil ayaa 26/01/2019 kula kulmey Gorowe Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdulahi Deni, wafdigaan oo ka qaybgalaya xaflada caleemasaarka madaxwaynaha Puntland, ayaa waxaa ka hadashay xaflada caleesamaarka Guddoomiyaha GMDQ waxay u hambalyeysay Madaxweynaha Cusub ee Puntland, waxay na aga mahadcelisay wada shaqayntii hore ay u lahaayeen dowlad goboleedkan iyo GMDQ, Puntland na ay tahay xarunta heer goboleed uu guddiga ka furtay xafiis si lamid ahna uu aga furan doono dhamaan xarumaha maamul goboleedyada oo dhan, ilaa hadana ay ka furteen Puntland (Garowe) iyo Koonfur Galbeed (Baydhaba).
GMDQ wuxuu u diyaar garoobayaa 2020-2021 doorasho qof iyo cod ah inuu ka qabto wadanka, wada shaqaynta dowlad goboleedyada ayna tahay muhiimada ugu wayn suurta galnimada doorshadaas, in laga guuro nidaamka awood qaybsiga ku salysan 4.5 loona guuro doorasho xor iyo xalaal ah waxaa lagu gaari karaa in guddiga uu ka helo dhamaan madaxda heer Federal iyo heer dowlad goboleed wada shaqayn iyo fududeynta howlaha looga baahan yahay hay’ad walba ee dowladeed.
Guddoomiye Xaliima waxay ku soo gabagabaysay hadalkeeda Doorasho xor iyo xalaal ah oo dhacda 2020-2021 waa ujeedka uu hiigsanaayo GMDQ, Madaxweyne Saciid Dani waxaan kuu rajaynayaa shaqada ku hortaala shanta sano ee soo socota inuu Illaahay kuu fududeeyo, waxayna aga mahadcelisay casuumada uu u fidiyay GMDQ xaflada caleemasaarkiisa.