Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

Xaliimo Yarey Iyo 3 Kale Oo Sanadkan u Sharaxan Abaalmarinta Chatham House

Xaliimo Yarey Iyo 3 Kale Oo Sanadkan u Sharaxan Abaalmarinta Chatham House
Xaliimo Ismaaciil Ibrahim “Yarey” Guddoomiyaha guddiga Madax-banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo 3 kale ayaa sanadkan isugu soo haray tartanka abaalmarinta caalamiga ah ee Chatham House.
Sida lagu sheegay qoraal ay aragtay Goobjoog News, Xaliimo Ismaaciil Ibrahim(Yarey) waxaa lagu xushay kaalinta ay ka qaadatay doorashadii 2016kii, inay dhiirigeliso nidaamka axsaabta badan ee dalka, in laga shaqeeyo sidii doorasho qof iyo cod ah ku dhici laheyd 2021ka iyo sidii dowladnimada loo adkeyn lahaa guud ahaa qaaradda Afrika.
Xaliimo Ismaaciil Ibrahim(Yarey) waxaa jagadan Guddoomiyaha guddiga Madax-banaan ee doorashooyinka Qaranka loo doortay July 27, 2015, howlaha ay soo qabatay waxaa ka mid ahaa:
  • Guddoomiyaha Guddiga farsamada ee maamul u sameynta gobolada Mudug iyo Galgaduud
  • Guddoomiyaha Midowga ururada bulshada ee Soomaaliya
  • Lagudoomiyaha guddiga xulista iyo Farsamada ee xulista iyo barista xubnahii ergada ansixiyay xubnihii Baarlamaanka.
Xaliimo Yarey waxaa ay baratay cilmiga beeraha, iyadoo shahaadooyin ka qaadatay Jaamacadda Ummadda iyo Jaamacad ku taalo dalka Talyaaniga.
Shaqooyin kale waxaa ka mid ah: Isku duwo goboleedka ee hay’adda CISP, Xiriiriyaha bulshada ee xafiiska qoyska iyo caruurta ee gobolka Miniblis-Minisota 2000-2007, u qeybsane, Maamule iyo Sarkaal ka noqotay mashaariic iyo hay’ado waaweyn sida UNISOM iyo ururro haween. Waxay ku hadashaa Luqadaha Soomaaliga, Talyaaniga iyo Ingiriiska.

Haddaba, Yaa Xaliimo Yarey La Tartamaayo?

Xaliimo Yarey, Guddoomiyaha guddiga Madax-banaan ee doorashooyinka Qaranka waxaa la tartamaya, hey’adda The Committee to Protect Journalists (CPJ), Mario Draghi oo ah madada bangiga dhexe ee Yurub iyo Zaid Racad Al-xueen ee oo ah u qeybsanaha xogheyaha guud ee Qaramada midoobey hey’adda UNHCHR.

Wax Ka Baro Cidda La Tartamaeysa

The Committee to Protect Journalists (CPJ) waa hey’ad Mareykan ah, oo xarunteeda ku taallo magaalada New York, hey’adda oo la aasaasy 1981dii, waxaa ay shaqadeeda tahay in ay dhiirigeliso xuriyatul-qowlka, waxaa ay sidoo kale difaacdaa xuquuqda Saxafiga.
Mario Draghi oo ah madada bangiga dhexe ee Yurub, waxaa talyaani dhaqaale-yahan ah, waxaa uu jagadan hayaa tan iyo 2011-kii, waa 70 jir waxaa uu horay madax uga soo noqday Bank of Italy.
Zaid Racad Al-xueen waa amiir u dhashay dalka Urdun, waxaa uu dhashay 1964tii, waxaa uu horay u soo noqday wakiilka joogtada ah ee Urdun u fadhiya Qaramada midoobey iyo safiirka dalkaasi ee Mareykanka, waxaa kale oo uu ka soo shaqeeyay maxkamadda dambiyada adduunka ee ICCda.