Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   [email protected] | WhatsApp +252 613611116  

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya ayaa ka qeyb galay Madasha Sannadlaha ah ee Guddiyada Doorashooyinka Afrika

 

 

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya ayaa ka qeyb galay Madasha Sannadlaha ah ee Guddiyada Doorashooyinka Afrika.
Guddoomiyaha GMDQ Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim, oo matalaysa Soomaaliya ayaa ka qaybgashay Madashan oo ka dhacday Maputo, Mozambique 14 – 15kii Nofembar 2022, kaas oo ay soo wada qaban qaabiyeen Waaxda Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Amniga ee Guddiga Midowga Afrika iyo Ururka Guddiyada Doorashooyinka Afrika.
Mawduuca shirka ayaa ahaa “Dhisidda Adkeysiga Guddiyada Doorashooyinka si loo ilaaliyo Dimuqraadiyadda Afrika”
Iyada oo ay wehelinayaan guddoomiyeyaasha Guddiyada Doorashooyinka ee Ghana iyo Itoobiya, Guddoomiyaha GMDQ, Marwo Xaliimo ayaa mid ahayd panel-ka doodii ugu horreeyay shirka oo diiradda lagu saaray doorka haweenka ee hoggaaminta Guddiyada Doorashada.