Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa ku hawlan diyaarinta qorshaha istiraatiijayada Guddiga ee 2022 – 2026. Qorshahan ayaa hagi doona diyaar garowga iyo hirgelinta doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacda waddanka 2025/2026.
Qorshahan marka la diyaariyo qabyo qoraalkiisa koowaad ayaa waxaa lala wadaagi doonaa daneeyayaasha doorashada si ay talooyinkooda ugu biiriyaan.