Soomaaliya oo ah dal dimuqraadi ah, si la mid ah dowladaha kale ee dimuqraadiga, dowladdiisu waxay ka koobantahay sedax laamood. (i) Laanta sharci dejinta oo ka kooban Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare oo la isku yiraahdo Baarlamaanka, (ii) Laanta Fulinta oo ka kooban Xukuumadda iyo Madaxtooyada iyo (iii) Laanta Garsoorka.
Soo saarista iyo meelmarinta sharciyada heer faderaal waxaa dalka ugu xilsaaran Goleyaasha Baarlamaanka.
Curinta Hindise Sharciyeedyada
Marxaladda koowaad ee uu maro sharcigu waa curinta. Marka uu heerkan joogo illaa inta uu uga soo baxayo faafinta rasmiga waxaa loogu yeeraa “Hindise Sharciyeed”. Sharci loogu yeero.
Sida ku xusan qodobka 80 aad ee Dastuurka kumeelgaarka Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya, hindise sharciyeed heer qaran ah waxaa curin kara oo keliya:
- Golaha Wasiirada Xukuumada Faderaalka Soomaaliya;
- Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, marka laga reebo hindise sharciyeedka la xiriira arrimaha miisaaniyadda, oo Golaha Wasiirada keliya soo curiyaan.
- Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya.
Sadexdaa jiho ayaa ah dhinacyada soo curiya hindise sharciyeedyada heer faderaal.
Ansixinta & meelmarinta hindise sharciyeedyada
Hindise sharciyeedyada markay kasoo gudbaan heerka curinta waxay u gudbaan marxaladda ansixinta iyo codaynta, iyagoo mara dhawr akhrin oo kala dambeeya, ugu dambayna waxa ansixiya labada Gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya, una gudbiya madaxwaynaha.
Saxiixa Madaxweynaha & Faafinta rasmiga ah
Hindise sharciyeedka marka uu ansixiyo Baarlamaanku wuxuu u gudbiyaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya, si uu u saxiixo, looguna soo saaro faafinta rasmiga ah ee Dawladda.
Marka uu Madaxweynuhu saxiixo, laguna soo saaro faafinta rasmiga ah, ayuu ka gudbaa marxaladda hindise sharciyeed, wuxuuna noqdaa sharci buuxa oo dhaqan gal ah.
Guddiga Madaxbanaan ee Doorashooyinka Qaranku Masoo Saari Karaa Sharci?
Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranku malaha kaalin sharci dejineed. Doorkiisu waa fulinta sharciyada uu soo saaro Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.
Hase yeeshe wuxuu xaq u leeyahay inuu soo saaro sharci kaabayaal (xeer-hoosaadyo, xeernidaamiyeyaal, hageyaal, habraacyo) fududaynaya fulinta iyo ku dhaqanka sharciyada heer qaran ee khuseeya shaqada Guddiga, isla markaana waafaqsan shuruucda asalka ah ee ay kasoo farcameen, oo ah Sharciyada kasoo baxay Baarlamaanka Jamhuuriyadda Faderaalka.
Gunaanad
Nidaamka sharci denjieed ee Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya waa wareeg dheer oo adagtahay inuu fahmo qofka caadiga ah een aqoon sharci lahayn, gaar ahaan habka labada Gole ee Baarlamaanku isugu gudbiyaan hindise sharciyeedyada, sidaa darteed ayaa loo soo koobay si muwaadinka soomaaliyeed ee caadiga ah loogu soo dhaweeyo fahamka guud ee nidaamka sharci dejinta Dalka.