Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

Kaalinta Guddiga Madaxbanaan ee Doorashada Qaranka

Kaalinta  Guddiga Madaxbanaan ee Doorashada Qaranka

Guddiga Madaxbanaan ee Doorashada Qaranka oo loo soo gaabiyo GMDQ waxaa la dhisay 2015, waana hay’adda u xilsaaran abaabulka iyo maamulka doorashooyinka dalka si waafaqsan qodobka 111G  ee Dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya iyo qodobka 14aad ee sharciga dhisida guddiga.

Xaqiijinta iyo ka gungaaridda hadafka loo aasaasay Guddiga ayaa u baahan dhisidda hay’ad ku sifaysan xirfad & waaya aragnimo lagama maarmaan u ah maaraynta & maamulida doorashada si waafaqsan awoodaha lagu qeexay sharciyada doorashada.

 AWOODDA DASTUURIGA AH EE GMDQ

Guddiga Madaxbnaan ee Doorashooyinka Qaranka si waafaqsan qoodobka 111G ee dastuurka Kumeelgaarka ah & qodobka 14 sharciga Dhisida GMDQ awoodahiisa waxa ka mid ah:

  1. Abaabulidda, Maamulidda, iyo kormeerka doorashooyinka heer Faderaal, gobol iyo degmo.
  2. Maamulidda iyo qabashada afti dadweyne
  3. Diiwaangelinta xisbiyada si waafaqsan Sharciga Xisbiyada Siyaasadda
  4. U kuurgalidda iyo ilaalinta in xisbiyadu ku dhaqmaan sharciyada nidaamiya magacaabista musharrixiinta.
  5. Wacyigelinta codbixiyeyaasha
  6. Diinwaangelinta codbixiyeyaasha doorashada
  7. Diiwaangelinta musharrixiinta doorashooyinka
  8. Ku dhawaaqidda & muddaynta maalmaha ololaha doorashada
  9. Fududaynta korjoogtaynta, ilaalinta iyo qiimaynta doorashooyinka
  10. Xallinta khilaafaadka ka dhasha doorashooyinka ayadoo aan lagu xadgudbayn doorka hay’adaha Garsoorka
  11. Khilaafaadka Guddigu xalliyo waa kama dambays waxaan ka ahayn dacwadaha la xiriira xaqa codbixinta, xaqa ka qaybgalka doorashada iyo go’aanka kama dambaysta ah ee natiijada  doorashada kuwaasoo looga racfaan qaadan karo Maxkamadda Dastuurka.
  12. Ku dhawaaqista natiijada doorashooyinka
  13. Soo saarista xeerar, habracyo, iyo qoraallo hagaya habsami u socodka hawlaha doorashooyinka
  14. Inuu xafiisyo ka furto deegaannada dalka hadba meelaha ugu habboon oo aan looga maarmin fulinta hawlaha Guddiga iyo xilgudashadiisa.
  15. Inuu qorto shaqaale fuliya hawlaha doorashooyinka si waafaqsan Sharciga Shaqaalaha rayidka
  16. Wuxuu shaqo joojin ku samayn karaa una gudbin karaa hay’adaha caddaalada qof kasta oo ka tirsan Guddiga ama shaqaalaha Guddiga oo lagu helo fal wax u dhimaya dhexdhexaadnimada iyo caddaaladda doorashooyinka.
  17. Dejinta nidaamka dhaqanwanaaga musharixiinta, Xisbiyada siyaasadeed iyo warbaahinta ee xilliga doorashada
  18. Inuu go’aan maamul kasoo saaro cabashooyinka la xiriira go’aannada Guddiga, hawlwadeennada, ama wakiillada Guddigu  idmaday kana qaado tallaabada ku haboon.Hadii go’aanka Guddiga lagu qanci waayo waxa u furan in racfaan loo qaato Maxkamadda ay khusayso muddo 14 maalmood gudahood ah.
  19. Inuu hubiyo tallaabada ku habboonna ka qaado in habraaca doorashooyinka uu Guddigu fuliyey si hufan loo hirgeliyay, hadii loo baahdana uu go’aan ku gaari karo in deegaan doorasho ka dhacday dib loogu celiyo doorasho iyo inuu waxkama jiraan ka dhigo natiijada marka sugnaato in rabitaanka cod-bixiyeyaasha la musuqmaasuqay.
  20. Inuu ganaaxi karo ama xannibaad-maamuleed ku ridi karo cidii ku kacda fal-dambiyeed, aan ahayn fal jariimo, sida ku xadgudub sharci ama xeerarka guddiga.
  21. Inuu musharraxii ku xadgudba sharciga ama aan soo buuxin shuruudaha ku xusan sharciga uu ka joojin karo tartanka doorashada ama dib u celin karo liiska lagu soo magacaabay.
  22. Inuu cayimo goobaha cod-bixinta ee dadweynuhu codkooda ku
  23. Inuu tilmaamo waraaqaha doorashada iyo habka loo calaamadinayo.
  24. Inuu qeexo habka loo tirinayo codadka
  25. Inuu cayimo goobaha lagu tirinayo codadka.
  26. Inuu go’aamiyo goobjoogayaal madaxabannaan iyo saxaafaddu inay u kuur galaan sida doorashadu u socoto.
  27. Guddiga doorashooyinku wuxuu soo jeedin karaa dib u dhigis doorasho muddo cayiman isagoo sababayn faahfaahsan usoo gudbinaya Golaha Baarlamaanka Faderaalka xilli ku habboon.