Guddiga Madaxbanaan ee Doorashooyinka ayaa shir muddo 4 maalin ah soconaya uga furmay magaalada Mogadishu, shirkaan oo ay ka soo qaybgaleen dhamaan hawl wadeennada Guddiga – kuwa ka hawl-gala xarunta dhexe iyo xafiisyada Guddiga ee gobollada ayaa diiradda lagu saaray waxa u qabsoomay Guddiga muddadii uu jiray iyo caqabadaha soo wajahay. Ujeeddada ayaa ah qiimeyn waxqabadkii Guddiga iyo u gogol xaaridda qorshaha istiraatijiga ee mustaqbalka dhow.
Gudoomiuaha Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka Marwo Xaliima Ismaaciil oo shirka furtay ayaa ku dheeratay faahfaahinta waxqabadkii Guddiga iyo caqabadaha soo wajahay mudada uu jiray, iyadoo tilmaamtay in Guddiga shaqa wanaagsan uu ka qabtay fulinta qorshayaashii u daganaa halka caqabada la xariira arimaha siyaasadda ay wax badan uu suuragali waayeen.
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale ka sheekeysay muhiimadda ay leedahay isku xirnaanta hawl wadeennada Guddiga taas oo dhiirragalisay in ay waxbadan ku qabsoomaan kulana dardaarantay in shaqaalaha ay sii laba jibaaran dadaalka ay ugu shaqeynayaan wadankooda madaama waajib saaran ay tahay.
Ugu danbayn Gudoomiye Xaliima ayaa raja badan ka muujisay in istaraatiijiyadda 2021-2025 uu guddiga waxbadan soo kordhin doono siina laba jibaari doonaan shaqooyinka guddiga si wadanka ay uga dhacdo doorasho qof iyo cod ah.
Waxaa sidoo kale kulanka ka hadlay oo si qota dheer u guda galay shaqooyinkii ay u xil-saarnaayeen Xog-hayaha Guud ee Guddiga, Diiwaan-geliyaha Xisbiyada Siyaasadda, madaxda xafiisyada gobollada ee Guddiga iyo Agaasimeyaasha lixda waaxood ee uu Guddigu leeyahay.
Kulanka ayaa lagu soo bandhigayaa inta uu socdo guulihii Guddigu gaaray, caqabadihii ka hor yimid iyo casharradii laga bartay.
Kulanka ayaa socon doona illaa maalinka Arbacada ee taariikhdu tahay 27ka Jannaayo.