Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

Kaalinta Hay’adaha Dowladda ee Doorashada

Kaalinta Hay’adaha Dowladda ee Doorashada

Soomaaliya waa Jamhuuriyad Federaal Dimuqraadi ah. Sedaxda erey ee ku jira jumladda hore mid kasta micno ayuu xanbaarsanyahay.

Soomaaliya waa Jamhuuriyad dimuqraadi ah waxay u taagantahay, wadanku waa inuu yeeshaa dawlad ay awoodda ugu sarraysa leeyihiin wakiillo ay soo doorteen dadwaynuhu.

Soomaaliya waa Federaal. Waxay u taagan tahay inay jiraan lakabyo dowladeed oo kala sarreeya isna Kaaba. Awoodaha iyo mas’uuliyaduhuna u qeybsanyihiin.

Waxaa dhacda dalal isku magacaaba inay ku dhaqmaan hannaanka dimuqraadiga haddana dadkoodu aysan ku nooloon xorriyad iyo sinnaan.  Taa macnaheedu waxay tahay haddii dadwaynuhu aysan helin adeeg dawladeed oo damaanad qaada xorriyadda iyo sinnaanta xuquuqda muwaadinkooda laguma tilmaami karo dawlad dimuqraadi ah si kasta oo ay ugu khudbeeyaan golayaashooda.

Dal kasta oo doonaya inuu gaaro nidaamka dimuqraadiga ah waa in uu leeyahay sedaxda qaybood ee dawladda oo kala madax-bannaan, is-xisaabiya isna dhameystira kuwaa oo kala ah:

  • Laanta fulinta (Xukuumadda iyo Madaxtooyada);
  • Laanta xeer dejinta (Baarlamaanka) iyo;
  • Laanta Garsoorka (Maxkamadaha).

Sedaxda laamood ee dowladda sida magacyadooda ka muuqataba midba mas’uuliyad gaar ah ayay ku aaddantahay. Waxaana dawladdu gaari gartaa waajibaadka dastuuriga ah ee loo igmaday marka laan walba oo dowladda ka mid ah hawsheeda uga soo baxdo waqtiga ku habboon iyo sida ugu habboon.

Howlaha dawladda dimuqraadiga ah hirgeliso muddo xileedkeeda kuwa ugu mudan waxa kow ka ah hirgelinta doorasho qof iyo cod ah oo ku dhacda hannaanka xisbiyada badan, la diiwaangeliyo dhamaan codbixiyaasha xaqa u leh inay codeeyaan iyo murashaxiinta u tartamaya golaha wakiillada iyo laamaha kale ee dawladda.

Dhamaan saddex laamood ee dawladda ayaa kaalin ku leh xaqiijinta doorasho ka hirgasha dalka. Hirgelinta ayaa u baahan xeer dejin, is afgarad siyaasadeed iyo garsoor la socda xallinta khilaafaadka doorashada.

Hay’adaha garsoorka ayaa ah kuwa aan marna laga maarmayn si loo xalliyo cabashooyinka iyo khilaafaadka ka dhasha howlgalka doorashada. Cabashooyinkaas ama dacwadaas ayaa ka imaan karaan daneeyayaasha doorashada sida cod-bixiyeyaasha, musharraxiinta iyo xisbiyada siyaasadda.

Howlgalka doorashada ayaa u baahan miisaaniyad ballaaran, taa oo hadii la heli waayo dib-u-dhac u keeni kara amaba xagal-daacin kara geeddi-socodka doorashada. Miisaniyadda oo daahda waxay dib u ridi kartaa soo iibinta agalabka codaynta iyo diiwaangelinta codbixiyaha, saadka iyo diyaarinta howlwadeennada doorashada.

Amniga ayaa laf dhabar u ah in cod-bixiyeyaashu dareemaan kalsooni si ay xuquuqdooda doorasho uga faa’iideystaan. Xaqiijinta amniga iyo xasilloonida doorashada ayaa laf dhabar u ah doorasho hufan oo lagu qanco natiijada ka soo baxda.

Ugu dambayntii, doorasho dimuqraadi ah oo dadwaynuhu soo doorteen wakiilladooda waa halbeegga lagu cabiro in dalku  yahay mid ku dhisan hannaanka dimuqraadiyadda.

Si hadafkaa loo xaqiijiyo waa in dhamaan laamaha kala duwan ee dawladdu ku taageeraan Guddiga doorashada aasaasiyaadka hirgelinta doorashada.