Geeddi-socodka doorashadu wuxuu ka mid yahay hawlaha ugu muhiimsan dowladnimada casriga ah. Waa nidaamka haga sida loogu kala guuleysanayo xukunka iyo talada dalka. Inta badan dalalka adduunka, doorashada waxaa maamula Guddiyo doorasho oo mas’uul ka ah hir-gelinta dhammaan hawlaha doorashada. Kartida, awoodda iyo hufnaanta Guddiga ama hay’adda doorashada maamuleysa waxay kaalinta ugu weyn ka qaadataa in ay dhacdo doorasho nabdoon oo natiijadeeda ay ku qancaan inta badan dadku. Hasa ahaatee, waxaa jira kooxo ama hay’ada kale oo iyaguna kaalin mug leh ku leh geeddi-socodka doorashada. Kooxahaas waxaa loogu yeeraa daneeyaasha doorashada.
Hadaba, waa kuwee daneeyayaasha geeddi-socodka doorashada?
Daneeyayaasha doorashada waa shakhsiyaadka, kooxaha iyo ururrada danta ka leh ama daneeya howlaha doorashada. Waa dadka saameynta ku leh ama uu saameeyo geeddi-socodka doorashada. Waxay ka qaybgalaan tartanka doorashada, korjoogtaynta, amniga iyo Taageerada howlaha doorashada. Qaar ka mid ah daneeyasha waa dejiyaasha sharciyada saldhigga u ah doorashada. Waxaa laga maarmaan u ah howlgallada doorashada sugidda amniga iyo miisaaniyadda. Dhamaan qaybaha kala duwan ee ka taageera Guddiga howlahaas muhiimka u ah hirgalinta doorashada ayaa lagu magacaabaa daneeyaasha doorashada.
Waxaa loo qeybiyaa daneeyaasha si guud sedax kooxood:
- Kuwa aasaas u ah geeddi-socodka doorashada;
- Kuwa kaalin mug leh ku leh geeddi socodka doorashada;
- Kuwa leh saamayn kooban.
Kooxda koowaad ee aasaaska u ah geeddi-socodka doorashada waa kooxo, hay’ado ama shaqsiyaad aysan la’aantood doorashadu suurta geleyn. Waa kuwa saameynta xooggan ku leh ama muhiimka u ah jiritaanka Guddiga, qabsoomidda hawlaha doorashada iyo guushoodaba. Geeddi-socodka doorashada Soomaaliya daneeyayaasha aasaaska u ah waxaa ka mid ah:
- Xukuumadda Federaalka Soomaaliya;
- Dowlad Goboleedyada;
- Sharci dejinta ama Baarlamaanka Federaalka Soomaaliye iyo;
- Garsoorka
Kooxda labaad: Waa daneeyayaal kaalin mug leh ku leh doorashada kuwa oo ay si toos ah saameyn ugu leedahay hawlaha doorashadu. Waxaa ka mid ah:
- Xisbiyada Siyaasadda
- Musharraxiinta
- Hawl-wadeenada Guddiga
- Cod-bixiyayaasha
- Kor-joogayaasha
- Ururada Bulshada Rayidka
- Warbaahinta
- Hay’adaha ama dowladaha caalamiga ee taageera doorashada
Kooxda sedaxaad: Daneeyayaasha aan aasaasiga ahayn (Secondary) Waa kuwa daneeya Guddiga iyo hawlaha doorashada balse saameyntoodu ay hooseyso. Waxaa ka mid ah:
- Shaqsiyaadka/Shirkadaha iibiya Agabka Doorashada;
- Dadweynaha guud ahaanba; iyo
- Shabakadaha/ururada gobolka iyo kuwa caalamiga ah.
Siyaasi hore ayaa laga sheegaa inuu yiri, “Dagaalku wuu ka muhiimad badanyahay wax loo daayo jeneraallada keli ah” Sidaa si la mid ah doorashada Soomaaliya, wey ka weyntahay hawl uu hir-gelin karo GMDQ keligiis. Kaalinta daneeye walba, oo aan ku faah-faahi doono qormooyin danbe, si gaar ah, kuwa furaha ah iyo kuwa aasaasiga ah waxay lagama maarmaan u tahay doorashada oo guuleysata.