Nolosha aadanuhu kama maaranto dowlad ka shaqeysa danta guud oo ilaalisa danaha ay wadaagaan dadka dhistay. Tan waxaa ka marag ah taariikhda aadanaha – midda fog iyo tan dhowba. Way adag tahay in la helo bulsho taanada oo aan maamul lahayn.
Sidoo kale waxaa tusaale nool u ah bulshada Soomaaliyeed heerka ay ka joogaan horumarka dunidu ay ka gaartay maaraynta nolosha intii ay dowlad la’aanta ahaayeen. Inkasta oo lagu guulaystay in la soo celiyo iftiinka dawladnimada oo marba heer soo marayay, hadana himilooyinkii uu ku taamayay muwaadanka Somaliyeed waxaa si taban u saameeyay horumar la’aanta ka dhalatay gaabiska dawladnimada.
Heerka dowladnimada ay hiigsanayaan ummadda Somaliyeed waa inay helaan is faham buuxa oo siyaasadeed oo horseeda jiritaanka nidaam qeexaya habka wadaagga iyo isu gudbinta awoodaha siyaasadeed. Habka ugu wanaagsan ee la tijaabiyay laguna xaqiijin karo hiigsigaas waa in la helo doorasho xor iyo xalaal ah oo ka qayb galaan codbixiyaasha Somaliyeed, kuna tartamaan xisbiyo ku dhisan mabaadiida iyo danta bulshada Somaliyeed oo aan kala sooc lahayn.
Qaamuuska erey bixinta doorashada ee uu soo saaray GMDQ (2017), wuxuu doorasho ku qeexay “Geeddi-socod ay cod-bixiyeyaasha ku doortaan wakiiladooda degaanka, gobolka ama heer qaran.” Taas micneheedu waxaa uu tilmaamayaa in bulshadu dooratay wakiillada ku matalaya hoggaaminta siyaasadeed ee dalka waana in uu ku joogi karaa inta uu xilka hayo kalsoonida bulshada muddo la isla ogol yahay.
Hoggaanka loo doortay wakiilnimada danaha bulshada ayaa laga sugayaa in uu la yimaado waxqabad la taaban karo oo ay ku maqsuudaan dadka ay matalaan. Waana sifada kaliya ee loo doortay dawladnimada oo ah inay maareeyso danaha bulshada, horumariso kaabayaasha dhaqaale ee aan dadka caadiga ah aasaasi karin sida dekedaha, jidadka, kaabayaasha dhaqaale, caafimaad, amni, waxbarasho iyo isgaarsiineed.
GMDQ waxaa uu qirsanyahay in dadaal dheer loo soo galay geedi socodka dib u yagleelidda dawladnimada Somaliyeed, haddana aan marayno meel ka wanaagsan waqtigii hore. Hase yeeshe, waxaa muhiim ah in bulshada Somaliyeed aqoon iyo wacyi u leeyihiin nooca dawladnimo ee gaarsiin karta hiigsiga horumarinta qaranka iyaga oo ka qayb qaadanaya sidii dhidibbada loogu aasaasi lahaa. Waxaa GMDQ filayaa in laga gudbo caqabadaha curyaamiyada dawladnimada sida hannaanka qabiilka ee horjooga
————————————————————————————————————————
Xafiiska Wacyigelinta ee Guddiga