Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

WAREEGGA HOWLAHA DOORASHADA

WAREEGGA HOWLAHA DOORASHADA

Inta badan waxaa la iswaydiiyaa howlaha Guddiga Doorashada ay qabtaan muddada u dhexeysa laba doorasho. Taas waxaa jawaab u ah in la fahmo in doorashadu aysan ahayn hal dhacdo. Waa geeddi-socod dheer oo ka kooban hawlo is-xig-xiga. Waa meerto (cycle) aan dhammaan. Marka hal marxalad dhammaato mid kale ayaa markiiba billaabata. Tan micneheedu waa in hay’adaha ka shaqeeya maareynta doorashada ay howlahoodu joogto yihiin.
Geeddi-socodka hawlaha doorashadu wuxuu maraa saddex marxalad oo kala ah (i) Marxaladda doorashada ka hor; (ii) Marxaladda doorashada lagu jiro; iyo (iii) Doorashada ka dib.

Marxaladda doorashada ka horreysa waxaa la qabtaa hawlo ay ka mid yihiin:
1. Diyaarinta sharciyada muhiimka u ah doorashada,
2. Shaqaaleysiinta iyo tababaridda hawl-wadeennada doorashada,
3. Wacyi-gelinta iyo waxbaridda cod-bixiyaha,
4. Diiwaan-gelinta iyo Tayeynta xisbiyada siyaasadda,
5. Diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha.
6. Diyaarinta agabka iyo qorshaha doorashada.
Marxaladda labaad oo ah tan doorashada hawlaha dhaca waxaa ka mid ah:
1. Soo gudbinta iyo diiwaan-gelinta musharraxiinta,
2. Ol-olaha doorashada,
3. Cod-bixinta dadwaynaha,
4. Tirinta codadka iyo ku dhawaaqidda natiijada doorashada.
Marxaladda sedaxaad ee ah muddada ka danbeysa doorashada waxaa diiradda la saaraa:
1. Qiimeynta iyo dib-u-eegista doorashada,
2. Horumarinta iyo tayeynta hay’adda doorashada.
Sedaxdaas marxaladood waxa ay dhameystiraan meertada doorashada. Dhammaadka hal marxalad waxay ka dhigantahay billaabashada marxaladda xigta. Tusaale, marka ay dhammaato marxaldda seddaxaad waxaa billaabmaya marxaladda koowaad.
Haddaba, sida ka muuqata jaantuska wareegga doorashada waxaa xaqiiq ay in howlaha doorashadu ay yihiin kuwa joogto ah oo aan ku ekeyn marxalad iyo meel go’an.

Xafiiska Wacyigelinta Guddiga