Gudoomiyaha GMDQ Marwo Halima Ismaciil ayaa maanta kaga qayb gashay aalada maqal-aragga shirka Golaha Amniga iyo Nabadgalyada Midowga Africa, iyadoo ka warbixiyay hawlihii mudada dheer soo socday ee Guddiga Madaxabanan ee Doorashooyinka Qaranka ka shaqeynayay oo ahaa qabashada doorasho qof iyo cod ah. Sidoo kale waxaa ka warbixisay muhiimada ay leedahay in la helo geedi socod mudeysan oo lagu xaqiijinayo Doorasho toos ah inay ka qabsoonto Soomaaliya