Gudoomiyaha GMDQ Xaliima Ismaciil ayaa xafiiskeeda ku qaabishay safiirka Dawaladda Sweden ee Soomaaliya Amb. Staffan Tillander. Safiirka iyo Gudoomiyaha ka wada-hadlay xaaladihii u dambeeyay ee arrimaha doorashooyinka Soomaaliya iyo isbadelladii dhacay.
Waxaa sidoo kale ay ka wada-hadleen geedi socodka dimoqaraadiyadeynta Dalka iyo tageerada Sweden ay ka gaysanayso dhismaha iyo tayanta Guddiga Madaxabannan ee Doorashooyinka Qaranka oo aasaas u ah geedi-socodka hanaan doorasho oo dimoqoraadi ah oo ka qabsooma Soomaaliya mustaqbalka.