Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka (GMDQ) Soomaaliyeed ayaa dadaal dheer iyo khibrad waaya-aragnimo ku dheehan tahay awgeed ka qaybgalay shirka A-WEB (Association of World Election Bodies), iyagoo ku kasbaday dadaal dheer ka dib in ay soo celiyaan sumcaddii iyo sharafta ay Soomaaliya ku lahayd masraxa caalamka.
Guddiga Doorashooyinka qaranka ee ka qaybgalay shirkaas waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha Guddiga Halima Ismail (Halima Yareey) iyo Ex wasiir iyo Komishiner (commissioner) Abdirahaman Osman Dirir.
Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka wuxuu ka mid yahay ururo caalami ah, iyo kuwa goboleed oo ay ku bahoobeen ururada doorashooyinka caalamka, kuwaas oo ay ka mid yihiin ururada Guddiyada doorashooyinka Africa, kan carabta iyo midka adduunka.
Ujeeddooyinka ka mid noqoshada ururadan waxaa ugu muhiimsan in GMDQ Soomaaliyeed uu helo khibrad iyo aqoon ku filan oo uu howshiisa ku qabto iyadoo ururadani ay yihiin madal aqoon iyo waayo aragnimo.
Haddaba, iyagoo ka duulaya ujeeddooyinkaas kor ku xusan ayaa GMQD oo ay hogaamineyso gudoomiyaha Guddiga Marwo Dr.sa Xaliimo Ismaciil Ibrahim, iyo Ex-wasiir iyo komishinar (commissioner) Abdirahman Dhere ee ka mid ah dadka ugu khibradda iyo ugu waaya aragsan guddiga doorashooyinka ay ka qaybgaleen shirka Hay,adaha Doorashooyinka adduunka (Association of World Election Bodies)A-WEB, oo xaruntoodu tahay dalka kooriyada Koonfureed, ugana qeyb galeen Bangaluru India, shirkaas oo socday 2-3-4 Setember /2019.
Waxaa shirkaas looga hadlay arrimaha adeegsiga baraha bulshada ee doorashooyinka (caqabadaha iyo fursadaha), waxaa halkaas bandhig ka soo jeedisay Gudoomiye Xaliimo iyo wafdigeeda, iyagoo ka hadlay sida Somaliya ay uga go’an tahay in doorasho cod iyo qof ah uga dhacdo dhamaadka 2020, isla markaana soo bandhigtey fursadaha baraha bulshada ee internetka ay ku yeelan doonaan doorashooyinka Soomaaliya.
Intii uu shirku socday, waxaa Somaliya loo doortey inay noqoto xubin ka mid ah Guddiga Fulinta ee ururka Hay’addaha doorashooyinka adduunka, waana mid u soo jiidaysa Somaaliya sumcad iyo in mar kale ay masraxa caalamka ka soo muuqato.
Guusha ay wafdigaani soo hooyeen waa mid aad loo bogaadiyo iyadoo Somaliya ay ka mid noqotay xubinta Africa u matasha.golaha fulinta, wuxuuna arrinkani albaabka u furi doonaa Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Soomaaliya in la guddoon siiyo bilado dahabi ah.
NB: A-WEB waa urur ku bahoobeen in ka badan 106 dowladood iyo 114 hay,adood oo ka shaqeeya doorashooyinka.
Guulaysta Guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka Qaranka (GMDQ).
Wa billaahi towfiiq,
Dr. Khalif M. Duale