Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) ayaa maanta la kulmay Guddiga Arrimaha Gudaha, Maamulada Gobolada iyo Amniga ee Golaha Shacabka.
Ajendaha kulanka ayaa ahaa in GMDQ laga dhageysto talooyinkooda ku aaddan Wax-ka-beddelka iyo Kabista Sharciga Xisbiyada Siyaasadda ee uu hadda gacanta ku hayo Guddiga Arr. Gudaha, Maamulada Gobolada iyo Amniga ee Golahaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya.