24 Febraayo 2020, Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo howlo shaqo ujoogay Dowlad Goboleedka Hirshabeele ayaa la kulmay labada gole ee Baarlamanka iyo Wasiirada Dowlad Goboleedka Hirshabeele. Kulanka ayaa waxaa daahfuray Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Dawlad Goboleedka Hirshabeele Marwo Canab Axmed Ciise iyadoo aad usoo dhawaysay howlaha wacyigalineed ee uu Guddigu kawado Dalka.
Intaas kadib waxaa kulanka hadalo kasoo jeedisay Kumishineer Khadiija Cosoble Cali oo hogaaminaysay wafdiga waxa ayna Baarlamaanka iyo Wasiirradaba uga warbixisay heerka diyaar garow ee GMDQ iyo sida uu farsamo ahaan ugu diyaarsanyahay qabashada doorasho qof iyo cod.
Intaas kadib waxa uu Guddigu soo bandhigay warbixin kooban oo ku aadan Guddiga, wixii u qabsoomay iyo hada waxa u qorshaysan. Bandhigaas kadib waxaa labada Gole ee Dowlad Goboleedka Hirshabeele loo weeciyay in ay wixii su’aalo ah iyo talo ah ay soo jeediyaan, waxaana su’aalahoodii iyo talooyinkoodiiba si fiican u weeleeyay uguna warceliyay kumushineer Khadija Cosoble Cali.
Ugu danbayn waxaa kulanka soo xiray Madaxwayne kuxigeenka Dowlad Goboleed Hirshabeele Mudane: Cali Cabdullahi Xussen “Guudlaawe” waxa uuna Madaxweynuhu xusay ‘’ in ay taageerayaan islamar ahaantaana raali kayihiin howlaha uu hayo GMDQ, sidoo kale waxa uu cadeeyay in Dowlad Goboleedka Hirshabeele ay ayidsantahay (taageersan tahay) sharciga doorashooyinka oo dhawaan labada aqal ee Baarlamaanka dowlada federalku meel mariyeen Madaxweynuhuna saxiixay