Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

LA TASHIGA GUDDIGA EE BULSHADA DG GALMUDUG

LA TASHIGA GUDDIGA EE BULSHADA DG GALMUDUG

 

Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta Magaalada Dhuusamareeb kula kulmay qaar kamida Bulshadada halkaa ku dhaqan, kulanka oo ujeedadiisu ahayd “Wacyigalinta bulshada ee Doorashooyinka 2020-2021” ayaa diiradda lagu saaray in bulshada xog laga siiyo hawlaha guddiga iyo arimaha la xariira Shuruucda asaaska u ah Doorashooyinka sida Sharciga doorashooyinka ee Fedaaraal.

Waxaa shirka Furay Gudooomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka Marwo Xaliima Ismaaciil Ibraahim, furitaanka ka dib ayey Gudoomiyuhu bulshada la wadaagtay sababta ay u yimaadeen Magaalada Dhuusamareeb oo ah la kulanka Bulshada si ay xog oga siiyaan halka ay marayaan hawlaha doorashooyinka ee uu Guddigu ku hawlanaa in mudda ah.

Gudoomiyaha ayaa bulshada la wadaagtay in sharcigii Doorashooyinka Qaranka ay soo ansixiyeen labada gole ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, haatanna uu sugayo saxiixa Madaxwaynaha dalka, Madaxwaynahana ay kala hadleen dadajinta saxiixa sharciga oo muhiim u ah hawlaha doorashooyinka.

Gudoomiyaha ayaa sheegtay in la tashiga iyo la kulanka bulshada ay muhiim u tahay hawlaha guddiga si bulshadu ay u noqdaan kuwa la socda hawlaha guddiga maadaama cidda uu u shaqeeyo ay tahay iyaga.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa ka dhawaajisay in ay tagi doonaan dowlad goboleedyada dalka si ay bulshada ola kulmaan iyadoo sheegtay in ay todobaadkii hore uu Guddigu tagay Maamulka Koonfur Galbeed gaar ahaan Magaalada Baydhabo.

Diwaangaliyaha Xisbiyada ee Guddiga Maxamed Axmed Xaydara ayaa la wadaagay bulshada ka soo qaybgashay kulanka halka ay marayaan hawlaha Xisbiyada dalka iyo diwaangalintooda, sidoo kale Agaasimaha ayaa sharxay shuruucda la xiriita diwaangalinta Xisbiyada iyo halka ay marayaan.

Ugu danbeyn dadwaynaha ka soo qaybgalay kulanka ayaa su’aala waydiyay Madaxda Guddiga iyadoo madaxda Guddigana ay ka jawaabeen su’aalihii la waydiyay