Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

GMDQ oo shahaadooyin ku-meel gaar ah guddonsiiyey xisbiyo cusub

GMDQ oo shahaadooyin ku-meel gaar ah guddonsiiyey xisbiyo cusub

2 Febraayo,2020, Munaasabad Shahaadooyin  lagu guddoonsiinayay lix Xisbi  Siyaasadeed  ayaa lagu qabtay manta xarunta  dhexe GMDQ ee Magaaqlada Muqdisha.

Xisbiyadan la siiyay Shahadooyinka ku meel gaarka ah waxay kala yihiin,  XisbigaMidnimmada Ummadda Soomaaliyeed, Xisbiga Dimuqraadiga Dugaal, Xisbiga Horyaal Qaran, xisbiga Hilaac, Xisbiga Hiigsi Qaran iyo Xisbiga Caddaaladda Bulshada.

Munaasabadaasi waxa hadalo isugu jira soo dhoweyn iyo boogaadin ka jeediyay Diiwaangeliyaha Xafiiska Diiwaangelinta Xisbiyada ee GMDQ Maxamed Cumar Axmed Haydara isaga oo ku ammaanay masuuliyiinta xisbiyada dadaalka ay ugu jiraan sidii Soomaaliya uga dhaci lahayd doorasho xalaal ah.

“Xisbiyada Siyaasadda iyo GMDQ waa inay wada shaqeeyaan taas ayaana lagu gaari karaa hadafka aan hiigsanayno” ayuu yiri Diiwaangeliyaha. Waxaa kale oo uu ku adkeeyay xisbiyada siyaasadda inay door muuqda dumarka laga siiyo siyaasadda iyada oo lixdii xisbi ee la guddoonsiyay Shahaadada ku meel gaarka ah saddex ka mid guddoomiye–yaashoodu  ahaayeen

gabdho. Waxaa kale oo uu kula dardaarmay Diiwaangeliyaha masuuliyiinta Xisbiyada lagu guddeoonsiinay madasha inay u hawl galaan  sidii ay u noqon lahaayeen Xisbiyo rasmi ah si looga wada shaqeeyo in dalkan ay ka dhacdo doorasho xaq iyo xalaal ah .

Dhinaca kale xisbiyada oo ay u hadleen gudoomiye–yaashoodu waxay ka mahad-celiyeyeen sidii hufneyd ee uu GMDQ ula shaqeeyey intii ay ku guda jireen diyaarinta hawlaha is-diiwaan–gelinta maanta u qabsoontay. Masuuliyiintu waxay ballan qaadeen inay ku dadaali doonaan in doorkooda ka qaadan doonaan in dalkan uu ka baxo nidaamka wax qeybsiga beelaha loona gudbo nidaam dimuquraadi ah ee xisbiyo badan leh iyada oo lagu salleynayo habka “Qof iyo Cod” Masuuliyiintu Xisbiyadda waxay madasha kaga codsadeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare in ay ka shaqeeyaan sidii doorasho xor iyo xalaal ah dalka uga dhici lahayd.

Gabagabadii munaasabadda waxaa soo xiray guddomiye ku-xigeenka GMDQ mudane Aadan Cabdinaasir Maxamed oo kula dardaarmay masuuliyiinta Xisbiyada la guddoonsiiyay Shahaadada ku meel gaarka ah inay ilaaliyaan shuruucda xisbiyada u yaala si loo gaaro hadafka ah in dalka dimoqraadiyad ka dhacdo.