Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

Kulanka GMDQ iyo suxufiyiinta ka hawlgasho Warbaahinta Dalka

Kulanka GMDQ iyo suxufiyiinta ka hawlgasho Warbaahinta Dalka

Axad 02-02-2020, Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa magaalada Mogadishu kula kulmay inta badan saxafiyiinta ka hawlgasho Warbaahinta Dalka, kulanka oo ujeedadiisu ahayd “Wacyigalinta saxafiyiinta ee Doorashooyinka 2020-2021″ ayaa diiradda lagu saaray in saxafiyiinta xog laga siiyo hawlaha guddiga iyo arimaha la xariira doorashooyinka.

Wararka ugu badan ay warbaahinta u tabiso dhagaystayaashooda sanadkaan ayaa ah wararka la xariira Doorashooyinka sanadka 2020 iyo 2021, sidaas darteed ayuu GMBQ muhiim ugu arkay in ay warbaahintu xog ka hesho shuruucda iyo arimaha u diyaargarowga ee doorashoyinka.

Guddoomiyaha Guddiga, Marwo Xaliima Ismaaciil Ibraahim oo kulanka ka hadashay ayaa saxafiyiinta la wadaagtay muhiimadda ay warbaahinta u leedahay qabsoomidda doorasho xor iyo xalaal ah iyadoo sheegtay in saaxafadda ay tahay cidda warbixinta saxda ah u gudbineyso shacabka lagana rabo in ay mas’uulad iska saaraan waxa ay dadka la wadagayaan

Gudoomiyaha ayaa kula dardaarantay saxafiyiintii kulanka ka soo qaybgalay in ay dalka iyo dadka ugu adeegaan si hagar la’aan ah kana fogaadaan wararka iyo fariimaha dhiillada xambaarsan ee sababi karo colaadda.