Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

GMDQ OO DOORTAY GUDDOOMIYE KU-XIGEEN CUSUB

GMDQ OO DOORTAY GUDDOOMIYE KU-XIGEEN CUSUB

Janaayo 09, 2020 waxaa maanta lagu qabtay xarunta dhexe ee GMDQ, doorashada Guddoomiye K/Xigeenka Guddiga oo bannaanaatay Janaayo 2019. Jagada Gudoomiye ku-xigeenka Waxaa isku soo sharaxay xubbno ka mid ah guddiga oo kala ah.
1. Xuseen Cabdi Adam.
2. Adam Cabdinasir Maxamed.
3. Cabdiraxman Cusman Dirir.
Sida uu dhigayo sharciga lagu dhisay Guddiga (Lr4) qodobkiisa 6aad farqadiisa 2aad xubnaha Guddigu waxaa ay iska dhex dooranayaan Guddoomiye iyo Gudoomiye ku-xigeen. Si hadda loo doorto guddomiye ku-xigeenka guddiga waxaa ugu horeyn goobta doorashadu ka dhaceysay hadal kooban oo soo dhaweyn iyo ujeedada la isugu yimid ka jeediyey Xog-hayaha guud ee GMDQ Cabdirasaq Bashiir, isagoo xusay in maanta guddigu dooranayo godoomiye ku-xigeenka guddiga oo loo maraya habraaca uu dhigayo xeer-hoosaadka guddigu oo ah in ay goobta doorasha ay joogaan lix xubnood ee guddiga .
Guddomiyaha GMDQ, Marwo Xaliima Ismaaciil Ibraahim ayaa sheegtay in jagadaan iyo xubbinimada booskaan ay banaanaatay Janaayo 2019kii, intii ka danbeysay xilligaas waxaa uu guddigu ka sugayey Gollaha Shacabka in uu soo buuxiyo xubinta bannaanaatay, ka dib markii uu Gollaha Shacabku soo buuxiyey, xubintii ayaan manta dooraneynaa gudoomiye ku-xigeen ayey tiri Marwo Xaliimo.
waxaa goob -joog ka ahaa doorasha oo codkooda ka dhiibtay todaba xubnood oo ka mid ah Guddiga halka ay gudoomiye Xaliimo ka aamustay, Iyadoo tirada guud ee xubnaha Guddigu ay tahay sagaal xubnood
Guddiga ayaa u kala codeeyey xubnahii isku soo sharaxay xilka gudoomiye ku-xigeenka, waxaa ayna musharixiintu cododka u kala heleen sidaan; Aadan Cabdinasir Maxamed waxaa uu helya Afar Cod, Abdiraxmaan Cismaan Dirir waxaa uu i helay Sadex Cod, halka uu Xuseen Cabdi Aadan ka tanaasulay. Marwa Xaliima ayaa iclaamisay in wareegii koowaad ee doorasha uusan helin musharax ka mid ah musharaxiinta codadkii loo baahnaa si uu u guuleysto, sidaas daraadeed loo gudbo wareega labaad. Wareegii labaad oo ay isu soo hareen, Adam Cabdinasir Maxamed iyo Cabdiraxman Cusman Dirir ayaa waxaa tanaasulay Cabdiraxman Cusman Dirir, halkaas oo uu Adam Cabdinasir Maxamed uu soo haray. Gabagabadii doorasha ayaa Marwo xaliimo ku dhawaaqday natiijadii doorashada oo ah in Adam Cabdinasir Maxamed ku guuleystay in uu noqdo guddoomiye ku-xigeenka GMDQ.
Waxaa goob-joog ka ahaa doorasha xildhibaano ka kala socday labada aqal ee Baarlamaanka, Gobollka Banaadir, qaar ka mid ah Xisbiyasa Siyaasadda, Bulshada Rayidka iyo ururka haweenka Soomaaliyeed.

sawirka Gudoomiye ku xigeenka cusub