4th Janaayo 2020, GMDQ ayaa shahaadooyin guddoonsiiyey toddobo xisbi oo cusub oo ka mid noqon doona xisbiyada sida ku-meel-gaarka ah u diiwaan-gashan. Xaflada shahaadooyinka lagu guddoonsiiyey xisbiyada cusub ayaa ka dhacday xarrunta dhexe ee GMDQ. Xisbiyada is-diiwaan-geliyey ayaa kala ah: Xisbiga Isbahaysiga Caddaaladda iyo Sinaanta, Xisbiga Samata-bixinta Ummadda Soomaaliyeed, Xisbiga Caddaaladda iyo Dib-udhiska Soomaaliyeed, Xisbiga Wadatashi Qaran, Xisbiga Horseed, Xisbiga Midnimadda Maandeeq iyo Xisbiga Horrumarinta Ammniga iyo Dimuquraadiyada.
Maxamed Cumar Heydara oo ah Diiwaan-geliyaha xisbiyada ayaa furitaankii xaflada hadal kooban ka jeediyey isaga oo soo dhaweeyey dhamaan ka soo qeyb-galyaasha xaflada, gaar ahaan guddoomiyeyaasha xisbiyada cusub, waxaa uuna ku war-geliyey in ay xisbiyadu ku dadaalaan sidii ay u noqon lahaayeen xisbiyo rasmi ah, isaga oo si faahfaahsan ugu sharaxay waxyaabaha looga baahan yahay in ay fuliyaan si ay ku noqdaan xisbi rasmi ah, waxaa kale oo uu aad ugu adkeeyey in ay sharciga iyo qawaaniinta dalka ilaaliyaan. Dhinaca xisbiyada oo ay u hadleen gudoomiyeyaashoodu ayaa ka mahad-celiyey sidii hufneyd ee uu GMDQ ula shaqeeyey intii ay ku guda jireen diyaarinta hawlaha is-diiwaan-gelinta maanta u qabsoontay. Guddoomiyaha Xisbiga Wadatashi Qaran oo isna goobta ka hadlay ayaa yiri ‘’aad ayaan ugu faraxsanahay in maanta aan ka mid noqono xisbiyada sida ku-meel-gaarka ah uga diiwaan-gashan dalka, waxaana dooneynaa in dalku ka baxo nidaamka wax qeybsiga beelaha una gudubno nidaam dimuquraadi ah oo xisbiyo badan leh’’.
Guddomiyaha Xisbiga Horseed ayaa dhinaciisa isna goobta ka hadlay ayaa yiri ‘’ marka hore waxaan aad uga mahad-celinayaa GMDQ sidii daah-furnaantu ku dheehnayd ee ay noogu shaqeeyeen, iyaga oo fulinaya waajibaadka loo igmaday intii aan hawsha ku jirnay, marka labaad waa in aan gacmaha is-qabsanaa oo aan dhisnaa qaran aan ku wada nasano. Gabagabadii xaflada ayaa waxaa soo xiray Cabdiraxmaan Cusmaan Dirir oo ah xubin ka mid ah GMDQ, isaga oo xisbi kasta gudoonsiiyey shahaado ku-meel-gaar ah, waxaa uuna kula dardaarmay in ay sharciga ilaaliyaan meel kasta oo ay joogaan