Guddiga Madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka, Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Deeq Bixiyaasha Caalamka ayaa maanta kulan ku dhexmaray magaalada Muqdisho. Kulankan oo ku saabsanaa xog is waydaarsi heerka ay marayaan geeddi socodka howlaha doorashada ee Somali iyo wixii u qabsoomay guddiga. Kulankan oo bishii mar la qabto ayaa waxaa ka soo qaybgala inta badan hay’ada taageera iyo kuwa daneeya howlaha doorashada.
Guddoomiye Guddiga ayaa ka warbixisay dadaalka loogu jiro xaqiijinta nidaamka xisbiyada badan ee dalka. Waxaa sidoo kale ay ka warbixisay kulankii Golaha Ammaanka oo loo qabtay arrimaha doorashada Somalia November 21, 2019 iyo kulankii Guddigu la qaateen golaha shacabka ee barlamaanka federaalka Soomaaliya kaas oo ay guddiga ku soo bandhigeen qorshaha guddiga iyo wixii uga hirgalay ilaa iyo hadda.
Guddiga ayaa barlamaanka ku adkeeyey in dhamaan howlihii diyaar garawga ee guddiga looga baahnaa soo dhamaadeen isla mar ahaantaana wixii hada ka dambeeya u xayiran yihiin dhamaystirka sharciga doorashada ee horyaalla golaha shacabka.
Guddiga ayaa barlamaanka ka codsaday in modelka doorasho ee la ansixinayo noqdo mid la fulin karo isla mar ahaantaana suurto gelin kara doorasho qof iyo cod ah. Waxaa guddoomiyuhu carrabka ku adkaysay in la ilaaliyo xuquuqda dumarka, dadka baahiya gaarka ah leh iyo dadka aan barlamaanka ku lahayn matalaadda.
Guddiga ayaa ka warbixiyay gaarsiinta howlaha iyo adeegyada doorashada ee dhamaan D/goboleedyada oo hadda ay ka furan yihiin xafiisyada guddiga. Waxaa sidoo kale la diiwaangeliyay si KMG ah 63 xisbi siyaasadeed oo ku soo biiray xoogga u qareemayaasha howlaha doorashada. Waxa shirka looga warbixiyay shirar guddiga u qabtay haweenka iyo ka qeybgalkooda siyaasadda oo ka dhacday Koonfur galbeed iyo Galmudug.
Ugu dambeyntii, Gudoomiyaha Halima waxaa ay beesha caalamka uga mahadcelisay taageerada ay la garab taagan yihiin guddiga iyo maalgelintooda ku aadan doorashada qof iyo codka ah ee 2020-ka. Ka qaybgayaasha kulanka oo ka socday daneeyaasha doorashada ayaa sii adkeeyey ballan qaadkooda in ay guddiga la garab taaganyihiin taageero si uu hawlahiisa u qabsado dalkana kaga dhacdo doorasho qof iyo cod