Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

Wejiga sedaxaad ee kulanka Xisbiyada KMG iyo GMDQ

Wejiga sedaxaad ee kulanka Xisbiyada KMG iyo GMDQ

Kulankii joogtada ahaa oo ay Guddigu la qaadan jireen xisbiyada KMG ah ayaa ka qabsoomey maanta magaalada Muqdisho.
Kulanka waxaa hadalo kooban oo furitaan ah iyo ujeedka leyskugu yimid ka soo jeedisay xubin ka mid ah Guddiga Saciid Xashi Warsame, wuxuuna u mahadceliyey xisbiyada oo waqtigooda qaaliga ah u hurey kulamada looga tashanayo u diyaar garawga doorashooyinka dalka isaga oo si wayn ugala dardaarmey inay sii laba jibaaraan kaalinta weyn ee ay ka qaataan nidaamka doorasho ee uu dalka ku jiro iyo inay xisbiyo dhameestiran noqdaan. Xoghayaha Guud ee Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in kulanka maanta la isugu yimid uu ka mid yahay kulammo joogto ah oo ay yeeshaan Guddiga iyo Xisbiyada siyaasadda.

Kulan oo ah kii saddexaad ee ay yeeshaan xisbiyada KMG iyo GMDQ ayaa diiradda lagu saaray caqabadaha horyaalla xisbiyada siyaasadda iyo sidii looga gudbi lahaa. Guddiga ayaa soo bandhigay horumarka uu ka sameeyey dhinacyada u diyaar garawga diiwaangelinta codbixiyaha iyo muddaynta howlaha muhiimka ah ee doorashada. Dhammaan howlaha muhiimka ah ee Guddigu soo bandhigay ayaa ah kuwo dhamaystirkoodu ku xiran yahay ansixinta sharciga doorashooyinka. Xisbiyada ayaa GMDQ waydiiyay su’aalo ku saabsan sidii ay uga furan lahaayeen xafiisyo gobollada una diiwaan gashan lahaayeen xubnaha taageera xisbiyada. Arrintan ayaa loo arkay inay wali u xanniaban tahay heshiis siyaasadeed oo dhexmara madaxda dawladda iyo ansixinta sharciga doorashooyinka.

Kulanka ayaa ku soo dhamaaday warbixin uu jeediyay diiwaangeliyaha xisbiyada siyaasadda oo ka warbixiyay heerka ay marayaan diiwaangelinta xisbiyada iyo sidii ay ku gaari lahaayeen is diiwaangelin rasmi ah. Wuxuuna ku boorriyay in ay ka shaqeeyaan sidii ay u qaadan lahaayeen kaalin mug leh arrimaha loogu diyaar garoobayo doorashada. Gebegabadii xafiiska diiwaangelinta xisbiyada siyaasadda ayaa soo bandhigay hannaanka xiriirka Guddiga iyo Xisbiyada oo ah hab casri ah oo dhawaan loo daahfuri doono xisbiyada.