GUDDOOMIYAHA GUDDIGA MADAXA BANANA EE DOORASHOOYINKA QARANKA AYAA WAR-BIXIN KA HOR JEEDISAY GOLLAHA BAARLAMAANKA EE JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA
Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banana ee Doorashooyinka Qaranka, Marwo Halima Ismail Ibrahim ayaa warbixin faahfaahsan ka horjeedisay Golaha Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliyeed 15ka Disembar, 2019. Guddoomiyaha oo warbixinteeda ku bilowday geedi-socodka loo soo maray sidii loo gaari lahaa nidaam doorasho oo qof iyo cod ah ayaaa sheegtay in dowladihii is xigxigay loo igmaday in ay dalka ka saaraan nidaamka awood qeybsiga beelaha ee 4.5 oo loogu talo-galay in looga gudbo xilli iyo xaalad kooban oo dalku ku jiray.
Si loogu gudbo nidaamka doorasho qof iyo cod ah ayaa hogaamiyaasha siyaasadda dalka waxaa ay wada gaareen heshiisyo is daba joog ah, oo ay ka mid ahaayeen; Garoowe1, Garoowe2-2012kii, heshiiskii hogaamiyaasha Madasha Qaran-2016kii, heshiiskii Dowladda Federaaalka iyo Dowlad Gobolledka Puntland-2016kii, iyo heshiiskii ugu danbeeyey ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobolledyada dalka ee 2018kii.
Waxaa garab socday heshiiyadaas in daneeyayaasha beesha caalamka ee taageera Soomaaliya, gaar ahaan dhanka doorashooyinka ay taageero dhaqaale, farsamo iyo mid siyaasadeedba ku bixiyeen in doorasho qof iyo cod ah ay ka qabsoonto dalka, ilaa iyo haddana ay diyaa u yihiin in ay sii wadaan taageeradaas si loo gaaro hadafkaas. Waxaana ugu danbeysay kulankii Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey bishii Nofeembar 2019 uu taageerada farsamo, dhaqaale iyo siyaasadba ugu muujiyey doorashada soo socota ee 2020/2021 ayey tiri guddoomiyuhu.
Guddoomiyaha ayaa uga mahadcelisay Golaha Baarlamaan sida uu Baarlamaanku ugu fududeeyey gudashada waajibaadka Guddiga laga soo bilaabo markii la aas-aasay guddiga 27 July 2015. Waxaa kale oo ay u mahad celisay Guddigii ku meel gaarka ahaa ee soo diyaariyey hindise sharciyeedka doorashooyinka horyaala Baarlamaanka sidii wanaagsaneyd ee ay ugu tix-galiyeen Guddiga Doorashoonka Qaranka talooyin iyo soo jeedino ay u gudbiyaan, waxaa ayse ka codsatay Golaha in ay mar kale tix-galiyaan soo jeedintooda la xiriirta qodobbo ku jira hindisaha cusub.
Halima ayaa ka hor sheegtay Golaha Baarlamaanka in markii la dhisay Guddiga Doorashooyinka Qaranka uu diyaariyey qorshe istiraatiyadeed oo shan sanno ah (2017-2021) qeexayana howlaha laga maarmaanka u ah doorashada 2020-2021 in ay qabsoonto. Qorshahaas shanta sano ah waxaa uu leeyahay toddoba ujeeddo oo mid kastaa uu leeyahay howlo fulintoodu ay muddeysan tahay.
Gudoomiyaha ayaa caddeysay in fulinta howlaha istiraatiijiyadda Guddiga ay saldhig u tahay; Mabaadi’da Dastuurka Dalka, Sharciga Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Sharciga Xisbiya, Heshiiskii Madaxda Qaranka ee Baydhaba 2018kii, Qorshaha Horumarinta Qaranka, natiijadii ka soo baxday la tashiga dadweynaha iyo waaya-aragnimo iyo aqoon uu Guddigu ka helay doorashooyin dalal kale ka qabsoomay.
Iyada oo ka warbixinaysay waxa uga qabsoomay Guddiga Qaranka yoolalkii uu higsanayey ayey Guddoomiyu si qoto dheer ugu faahfaahisay 7da yool:
YOOLKA 1AAD: Diyaarinta Xeerka Hagaya Howlaha Doorashiiyinka
Guddigu waxaa uu diyaariyey hab-raacyo iyo siyaasado dhowr ah oo dhameystirkooda la waafajin doono Sharciga Doorashooyinka ee horyaala Golaha Baarlamaanka, waxaana ka mid ah:
1. Xeer-nidaamiyaha diiwaan-galinta cod-bixiyaha
2. Xeer-nidaamiyaha maamulka doorashooyinka
3. Xeer-nidaamiyaha wacyigalinta cod-bixiyaasha
4. Xeer-nidaamiyaha xallinta khilaafyadka doorashooyinka
5. Xeerka hab-dhaqanka Saxaafadda xilliga doorashooyinka
6. Xeerka hab-dhaqanka Xisbiyada Siyaasadda xiliga diiwaan-gelinta iyo doorashooyinka
7. Xeerka hab-dhaqanka kormeerayaasha doorashooyinka iyo xeerar kale oo la xiriira arrimaha doorashooyinka.
YOOLKA 2AAD: Dhismaha Hay’adda Guddiga Doorashooyinka
Guddigu markii la magacaabey ka dib waxaa uu ku guuleystay in uu dhiso Hay’ad doorasho oo karti iyo awood u leh hir-gelinta dhamaan howlaha doorashooyinka. Waxaa uu dhisay qaab-dhismeedka Guddiga, waxaa uuna maanta Guddigu leeyahay howl-wadeenno kor u dhaafaya 160 howl-wadeen, kuwaas oo si toos ah uga howlgala xarunta dhexe iyo xaafiisyada Guddiga ee dowl-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir. Guddigu waxaa uu xubin rasmi ah ka yahay hay’ado doorasho oo caalami ah, sida; AWEB, Arab EMBs iyo African Union.
YOOLKA 3AAD: WACYI-GELINTA COD-BIXIYEYAASHA
Guddigu waxaa uu dhammaystiray:
1. Manhajka Wacyigelinta Codbixiyaha
2. Qorshaha, siyaasadda iyo nidaamka gudbinta farrimaha wacyigelinta codbixiyaha iyo xisbiyada.
3. Asteynta daneeyaasha ka qayb geli kara gudbinta farriimaha wacyigelinta.
YOOLKA 4aad: DIIWAAN-GELINTA COD-BIXIYAHA XAQA U LEH CODEYNTA
Waxaa la hirgeliyey:
1. Wadatashi lala yeeshay dhamaan dawlad Goboleedyada, Gobolka Banadir iyo Soomaalida ku nool dalka iyo dibaddiisaba.
2. Daraaseynta iyo Qiimeynta noocyada kala duwan ee Diiwaan-gelinta Codbixiyaha
3. Sahaminta Goobaha Diiwaan-gelinta Cod-bixiyaha
4. Dejinta miisaaniyadda hawl-galka diiwan-gelinta cod-bixiyaha.
5. Dejinta Qorshaha howl-galka diiwaan-gelinta Cod-bixiyaha.
YOOLKA 5aad: DIIWANGELINTA XISBIYADA SIYAASADDA & DEJINTA XEERARKOODA
Waxaa guddigu ku guulaystay:
1. Aasaasidda xafiiska diiwaangelinta Xisbiyada Siyaasadda.
2. In uu guddoonsiiyo shaahadada diiwaangelinta ku meel gaar ka ah 63 Xisbi Siyaasadeed.
3. Diyaarinta qorshaha diiwaangelinta rasmiga ah.
4. Diyaarinta xeerarka iyo habracyada maareynta Xisbiyada Siyaasadda.
YOOLKA 6aad: DIYAAR GARAWGA QABASHADA DOORASHADA
Guddigu waxaa kale oo uu ku guuleystay:
1. Dejinta miisaaniyadda howl-galka doorashada.
2. Gaarsiinta adeegyada doorashada xarumaha Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.
3. Qabashada doorashooyinka boos-buuxinta ah ee Golaha Shacabka.
4. U howlgalida dhismaha guddiga gaarka ah ee isku dhafka ah ee qaabilsan sugidda amniga doorashooyinka (Election Security Taskforce) oo yeeshay fadhigiisa ugu horeeyey bishan Nov 2019.
5. Sahaminta Goobaha ay suuragal tahay inay noqdaan goobo cod-bixin.
6. Dejinta Jadwalka howlaha doorashooyinka
7. Dejinta hannaanka xallinta khilaafaadka Doorashooyinka.
Ka mira-dhalinta wax qabadaka iyo fulinta howlaha guddiga dhamaantood waxaa ay ku xiran yihiin dhameystir koodu ansixinta sharciga doorashooyinka ee idin hor yaal. Gudoomiyaha ayaa sidoo kale ka codsatay Xildhibaanada Golaha Shacabka in ay tixgelin gaar ah siiyaan arrimahaan soo socda marka ay go’aan ka gaarayaan nooca doorashada iyo diiwaangelinta ay ansixinayaan. Arrimahaasna waxaa ka mid ah:
1. In nooca doorashada la waafajiyo mabaadida Dastuurka Jamhuuriyada Federaalka ee Soomaaliya, iyo Sharciga Axsaabta
2. In hirgelintiisu ilaaliso xuquuqda muwaadiniinta ka qeyb-galaya doorashada (tartame iyo codbixiye).
3. In aan Guddiga Madaxa banana ee Doorashooyinka Qaranka aan la saarin mas’uuliyad fulinteedu adagtahay sida soo saaridda habraacyada asteynta deegaan-doorashada iyo dhowrista qoondada dumarka.
4. In nooca doorasho uusan horseedin khilaaf iyo dagaal, ilaaliyana midnimada iyo wadajirka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
5. In uu ilaaliyo xaquuqda dhallinyarada, dadka baahiyaha gaar ah qaba iyo dadka aan hadda baarlamaanka metelaad ku lahyn.
6. In Guddiga Madaxa banana ee Doorashooyinka Qaranka la siiyo fursad uu ku xulan karo nooca diiwan-gelinta cod-bixiyaha haddii uu arko in uu la jaanqaadi karo duruufaha ku xeeran ama saameynta ku yeelan karo hawlaha doorashada.
Ugu danbeyntii ayey Xaliima Ibraahim, guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa banaan ku dhiirri gelisay xubnaha baarlamaanka in ay ansixiyaan hindise sharciyeed doorasho oo ka turjumi kara masiirka ummadda Soomaaliyeed, lana jaan qaadi kara duruufaha dalka ka jira, laguna dhisi karo dowlad dimuquraadi ah oo ku timaada doorasho qof iyo cod ah.
Dhamaad.