Kulankii joogtada ahaa oo ay Guddigu la qaadan jireen xisbiyada KMG ah ayaa ka qabsoomey maanta magaalada Muqdisho.
Kulanka waxaa hadallo kooban oo furitaan ah iyo ujeedka leyskugu yimid ka soo jeedisay Gudoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka Halima Ismail Ibrahim, waxayna ka warbixisey nidaamka Guddigu ku shaqeeyo iyo howlaha u qeybsoomey.
Ujeedooyinka ugu waa weyn ee dood wadaagga xisbiyada KMG ayaa ku qotoma in xisbiyada ay ogaadaan horumarka howlaha doorashooyinka iyo caqabadaha horyaalla sida howlgalka diiwaangelinta, wacyigelinta codbixiyaha, waqtiyaynta howlaha doorashada iyo diiwaangelinta xisbiyada siyaasadda.
Gudoomiyaha ayaa hadallo soo dhaweyn iyo mahadnaq ah u jeedisey ka soo qeybgalayaasha dood wadaagga aadna ugu adkaysay baahida loo qabo in la helo sharci doorasho oo aan la’aantiis qabsoomi karin doorasho. “Farsamo ahaan haddii Guddiga la yiraahdo doorasho qabta, Guddiga waa u diyaarsan yahay waana qaban karaa doorasho, laakiin sharci la’aan ma qaban karno doorasho” sidaa waxaa tiri Gudoomiye Halima.
Agaasimaha qeybta howlgalka Guddiga Ismail Yasin Maxamed ayaa sidoo kale uga warbixiyey xisbiyada KMG ah, hawlgalka muddeysan ee GMDQ kaas oo kala ah waqtiyada keenidda qalabka diiwaangelinta codbixiyaha, jadwalka diiwaangelinta dadweynaha iyo waqtiga uu ku eg yahay diiwaangelinta. Wuxuu warbixin ka dhiibay xafiisyada Guddigu ka hirgeliyay xarumaha D/goboleedyada dalka. Wuxuu ka warbixiyay heerka ay marayaan howlgalka astaynta goobaha diiwaangelinta codbixiyaha wuxuu na sheegay “qof kasta oo muwaadin ah waa in uu is diiwangeliyaa si uu u helo codbixin, suurto galna ma aha in aad codsayso haddii aadan is diiwaangelin” sidaa waxaa yiri agaasime Ismail Yasin.
Ka soo qayb galayaasha ayaa si wanaagsan uga dooday howlaha loo baahan yahay si loo gaaro doorasho qof iyo cod ah. Waxay aad u codsadeen in kalsoonida axsaabta iyo daneeyaasha doorashooyinka la ilaaliyo lana siiyo xogo dhamaystiran hadba meesha ay wax marayaan. Axsaabta ayaa ka dooday in la ilaaliyo xuquuqda haweenka ee ku xusan sharciga axsaabta gaar ahaan qoondada 30%. Waxayna ka codsadeen in Barlamaanku ilaaliyo qodobbada xuquuqda haweenka haddii la heli karana loo asteeyo kuraas u gaar ah gabdhaha.
Kulanka ayaa ku soo dhamaaday warbixin uu jeediyay diiwaangeliyaha xisbiyada siyaasadda oo ka warbixiyay heerka ay marayaan diiwaangelinta xisbiyada iyo sidii ay ku gaari lahaayeen is diiwaangelin rasmi ah. Wuxuu ku boorriyay in ay ka shaqeeyaan sidii ay u qaadan lahaayeen kaalin mug leh arrimaha loogu diyaar garoobayo doorashada.
Xafiiska Warqabadka Guddiga