Xubno ka socda Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa ka qayb galay shir wadatashi ah oo ku saabsan ka qeyb-galka siyaasadda loo dhan yahay oo Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadaha ku qabatay Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho.
Shirkan oo ujeedkiisu ahaa si loo gaaro dowlad wanaag iyo in haweenku qeyb ka noqdaan geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka iyo sharciga Doorashooyinka ayaa waxaa ka soo qeyb-galay xubno ka socday Wasaaradda Dastuurka, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta iyo xubno ka mid ah xildhibaanada Gollaha Shacabka Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.
Wasaarada ayaa aad ugu nuuxnuuxsatay in lagama maarmaan ay tahay in si dastuuri ah loogu caddeeyo qoonddada Haweenka Soomaaliyeed ee ah 30% dhamaan Dastuurka iyo sharciga doorashooyinka qaranka si loo ilaaliyo xuquuqda siyaasadeed ee haweenka.
Waxaa kale oo ay Wasaaradu soo jeedisay in haweenka laga taageero dhicyada siyaasadda iyo dhaqaalaha iyo in Wacyi-galin buuxda oo joogta ah loo sameeyo dumarka si ay u xaqiijiyaan in doorashada soo socota ee 2020/2021 ay helaan 30% xildhibaannada.
Dhanka kale Agaasimaha shircyada ee GMDQ, Mr, Cabdinaasir ayaa si ballaaran u sharraxay in Dastuurka qodobkiisa 13aad, uu u ilaaliyey xuquuqda muwaadiniinta oo ay haweenku ku jiraan iyo in qodobka 24aad uu isna ilaaliyey qoonddada Haweenka Soomaaliyeed. Waxaa kale oo uu sheegay in sharciga doorashooyinka uu Baarlamaanku hadda gacanta ku hayo lana filayo in mar dhow uu soo gabagaboobi doono.
Xildhibaanad Xamza ayaa carabka ku adkeysay in Qodobka 130aad ee dastuurku ku saabsan yahay dhowrista qoonddada Haweenka. Xisbiyada dalka ayaa dhankooda laga codsadey in ay tix-galiyaa qoonddada haweenka marka ay xulanayaan xubnaha xisbiga, waxaa kale oo la isla gartay In ay jiraan caqabado badan oo ay ka mid yihiin dhaqanka iyo dhaqaalaha oo haweenka ku hor gudban, loona baahan yahay in wax laga qabto.
Guddiga ayay ka go’an in uu kaalin buuxa ka siiyo haweenka ka qaybgalka howlaha doorashooyinka heerarkooda kala duwan.